Filimada Bollywoodka qaar kamid ah ayaa shalay lagu dhawaaqay in lagu daawan doono qaab Online ah waxaana kamid ah Sadak 2, Laxmmi Bomb iyo Bhuj oo aflaam waaweyn ahaayen dhanka kale waxaa jiraan filimo tiyaatarada laga daawan doono oo la shaaciyay.

Sooryavanshii iyo 83 ayaana kamid ah waana mashaariic si weyn loo wada sugaayey sanadkaan balse musiibada karona dib udhac ugu yimid hadaba waxaan idiin heynaa waqtiga filimadan la daawan doono.

Sooryavanshi waxaa tiyaatarada la saari doonaa todobaadka ugu horeeyo ee feestada Diwali kuna beegan bisha november isbuuca kowaad waxaana hogaamiyaal ka ah akshay Kumar iyo Katrina Kaif halka Gulshan Grover iyo Jaaved Jafry doorar muhiim ahku leeyihiin sido kale ajay Devgn iyo Ranver Singh ayaa muuqaallo marti ah kuleh.

Dhanka kale Filimka “83” waxaa asna tiyaatarada la saari doonaa todobaadka kowaad ee feestada masiixiga kuna beegan bisha December ee dhamaadka sanadka mashruucan oo looga hadlaayo ciyaarihihii aduunka Cricket-ka India ku guuleysteen sanadkii 1983 waxaa hogaaminayaan Ranver Singh iyo Deepika Padukone isla iyaga ayaana qarash gareyaal ka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here