Arpita Khan waa mid kamid ah qoyska Salim Khan waqtigaan la joogo waliba waxay kamid tahay shaqsiyaadka tallada iyo go’aankooda guriga ka socdo maadama ay tahay gabar fikir wanaagsan wax qabad heer sare ahna leh.

Akhristow gabadhaan asal ahaan kama mid ahan qoyska Salman Khan balse waa gabar laga soo hela jidka iyadoo aad u yar hoos kaga bogo macluumaad ugaar ah Salman Khan walaashiisa uu ku faano waqtigaan.

1-Ilaa hada waa lagu murmaa qofka wadada kasoo helay Arpita mar waxaa ladhahaa Salman hooyadiisa Salma ayaa soo heshay marna oday Salim ayaa la sheega marna Helen oo qaraabada qoyska kamid ah.

2-Meel wado ah oo qashin qub udhow ayee ku ooyneysay Arpita oo aad u yar waxaana la sheegau in hooyaded wadada dhinaca kale ku geeriyootay baahi iyo daruuf aawged mid kamid ah qoyska Salman Khan ayaa so watay gurigana keenay qofkaas inee Salma ama Salim yahay lama oga ee gabadha soo kaxeestay.

3-Magaca Arpita Khan ayaa loo bixiyay maalinlaas wixii ka dambeyay qoyska ayee kamid noqotay waxayna lasoo kortay Salman Khan, Arbaaz Khan, Sohail Khan iyo gabar kale qiyaasta xiliga ay dhalatay oo loo diiwaan galiyay waa 1 Aug 1989 .

4-Salman Khan iyada ayuu reerka ugi jecelyahay sida libaax oo kale ayuu u weeraraa cida wax ka sheegta walaashiis waxuuna ka dhigtay mid ay si rasmi udhaleen aabihiis iyo hooyadiis waxaana xusid mudan in caruurta Arpita dhashay uu ka jecelyahay kana soo dhaweesto kuwa walaalihiis kale dhaleen.

5-Arpita waligeed qoyska shisheeye inee katahay kama aysan dareemin kool koolin iyo jaceyl xad dhaaf ah ayaa lagu koriyay maantana waa mid kamid ah shaqsiyaadka amarkooda guriga ka jiro mararka qaar Salman ayaa cunug oo kale amarka walaashiis u qaadanaayo qadarin iyo xushmad aawged.

6-Arpita waxay jeclaatay oo laga kari waayey Jilaaga Arjun Kapoor bilawgii qarnigaan mudo 2 sano ayee wada socdeen xiligaasna Arjun miisaankiisa 140 kg wuu ka badnaa 18 jir ookale ayuuna ahaa xiligaas.

7-Seygeeda waxaa lagu magacaawa Ayush Sharma hadana atoore ayuu noqday oo Salman Khan ayaa shirkadiisa kusoo caan bixiyay waxayna udhashay wiil lagu magacaabo Ahil Sharma.

8-Arpita maalinkii walaalker Salman xabsiga Jaidpur lagu xiraayey ee 5 sano xarig lagu xukumaayey kiiskii ugaarta deerta aawged wey is celin weysay waana laga fujin waayey Salman markii la xiraayey aad ayee u ooysay maxkamada dhexdeeda ayaa qeyladeeda laga maqlay markuu xukunka dhacay.

Shaqsiyaadkii Salman la dagaalen oodhan Arpita Salaamta wey oa goosatat sida Aishwarya, Vivek Oberoi xitaa SRK oo ay taageero qaas ah u ahed mar ayee u xanaaqday kadib markee isku dhaceen SRK iyo Salman.

Waa 30 jir waqtigaan la joogo kana mid ah qoyska Salman Khan waana gabadha loogu jecel yahay qoyska xafladii u dambeysay ee dhalashadeeda Salman gaari qaali ah ayuu u iibiyay hadiyad ahaan.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here