Filimsameyaha awooda badan Sanjay Leela Bhansali ayaa ku dhawaaqay inuu la imaan doono Diwali-ga 2021 Filimkiisa weyn ee Baiju Bawara waxaana mashruucan hogaamiye looga dhigi doona Superstar Ajay Devgn.

Bhansali warkaan uu maanta ka dhawaajiyay waxuu digniin u yahay Deepika Padukone oo ay in badan isla sio shaqeyeen maadama Deepuu horey ugu dhawaaqday inee Diwali 2021 la imaan doono mashruuca boqortootada ah ee Mahabharat kaaso ay isla iyada qarash gareyneyso hadana hogaamineyso jiliin ahaan.

Waa Filim boqortooyo iyo arimaha diiniga hinduuga looga hadli doono sido kalena waxaa la sheegay in qeybo badan laga sameeyn doono qeybtiisa kowaadna 2021 ayaa la daawan doonaa waliba Diwali xiligan oo kale ah.

Hadaba qubarada Bollywoodka ayaa sheegen inuu noqon doono dagaal weyn Diwali-gaas maadama Filimo waaweyn hal xili tiyaatarada la isla saari doono waxaana xusid mudan in Bhansali kamid yahay Filimsameyaasha ugu awooda badan halka Deepika atiriishooyinka ugu awooda badan kamid tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here