Mega Star Amitabh Bachchan ayaa gaaray darajada 40 Million Followers dhanka Twitter-ka dhamaan taageerayaashiisa ayaana shacbiyadan weyn ugu hambalyeeyen shalay oo jimco ahed.

Rugcadaagan ayaa gaaray darajadan Khamiistii hadee tirada wey kasii badan tahay intaas maadama 48 saacadood kudhowaad laga joogo Bachchan waa shaqsi badana baraha bulshada Active ka ah.

Taageerayaashiisa si weyn ayuu ula falgalaa waxuuna la wadaaga noloshiisa gaarka ah si joogto ah hader waa jilaaga ugu shacbiyada weyn Twitter-ka ee India kasoo jeeda waxaana kusoo xiga Shah Rukh Khan oo asna Twitter-ka kuleh 39.8 Million Followers.

Dhanka shaqada Big B waxuu sanadkaan la imaan doonaa Filimka Brahmastra oo ay la jilayaan Ranbir Kapoor, Alia Bhatt, Nagarjuna, Mouni Roy, Dimple Kapadia iyo xidigo kale oo badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here