Mega Star Salman Khan iyo filimada u guuleysteen balse Hit dhameystiran aanan noqonin.

0
817

Mega Star Salman Khan waa mid kamid ah jilayaasha ugu waaweyn uguna shacbiyada balaaran gudaha India iyo daafaha caalamkaba wuxuuna la yimid filimaan badan oo waaweyn misna Big Hits noqdeen.

Hadaba waxaan sii amba qaadi doonaa maqaalkii aan uga hadleyna jilayaasha ugu caansan India iyo filimada ay keeneen natiijada ay gaareen waxaana Maqaalkii kan kahoreeyay kusoo qaadanay filimada Salman Khan Hit dhameystiran u noqdeen toogtaan soo qaadan doonaa filimada u guuleysteen balse Hit dhameystiran aanan noqonin. (Semi Hit iyo Average.

Semi Hit; Jab Pyaar Kisise Hota Hai, Chori Chori Chupke Chupke, Tere Naam, Maine Pyaar Kyun Kiya, Jai Ho, Bharat.

Average; Har Dil Jo Pyar Karega, Hun Tumhare Hain Sanam, Race 3.

Guud ahaan Filimada uu Sallu keenay BOI waxay xogtoodo soo daabacday 65 filim waxaana Sallu Hit dhameystiran u noqdeen 25 filim kuwaasoo kala ah 2 filim ATBB 10 filim Blockbuster ah, 5 filim Super Hit ah iyo 8 filim oo Hit ah.

Sidoo kale waa u guuleystay balse Hit dhameystiran u noqonin 9 filim kuwaasoo 6 kakid ah Semi Hit yihiin halka 3da soo hartayna Average yihiin waxayna taasi ka dhigantahay in tan iyo 1994tii Sallu 65 filim uu la yimid 34 kamid ah u guuleysteen.

FG; waxaa jiraan filimo guulo waaweyn gaareen misna Big Blockbuster noqdeen sida Main Pyar Kia iyo kuwa Flop noqdeen balse xogtaan waxay ku qotontaa 1994tii wixii ka dambeeyay.

Maqaalkeena xiga waxaan kusoo qaadan doonaa filimada ka guuldareysteen Salman Khan (Below Average, Flop iyo Disaster).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here