Mega Star Salman Khan iyo kooxda Radhe oo qorshe cajiib ah la yimid si ay u dar dargaliyaan duubista Filimkaan.

0
468

Mega Star Salman Khan ayaa dib u bilaabay duubista Filimka Radhe, xili asiga iyo kooxda Filimkaba ay aad ugu mashquulsanaayeen dardar galinta howlaha Filimkaan, waxayna doonayeen in xili hore ka farxashaan.

Sallu Bhi iyo kooxda Radhe -Your Most Wanted Bhia- ayaa si howsha dhaqso uga farxashaan waxay diyaariyeen sadax goobood oo Filimka lagu sii duubo, ayadoona goob kasta kooxdii sii diyaarin laheyd lasii geeyay.

Akshanada filimka ku jiraan ayaa loo qorsheeyay in lagu duubo ND Studio halkaasoo koox duubis ku diyaarsaneed, halka heesahana loo qorsheeyay goobta lagu magacaabo Aamby Valley, inta soo hartayna waxaa duubistiisa lagu dhameeyay Studiyaha caanka ah ee Mehbuub Studios kaasoo ku yaalo xaafada Bandra ee magaalada Mumbai.

Ujeedka loo diyaariyay goobahaan kala duwan ayaana aheyd in dhaqso ay dhamaato howsha duubista filimkaan, waana qorshe guuleystay kadib markii howsha sidii la rabay u dhacday.

Filimka Radhe ayaana waxaa hogaamiye ka ah Salman Khan, waxaana soo saare ka ah Prabhu Deva, ayadoo xusid mudantahay in filimkaan howshiisa la hakiyay mudo 9 bilood kahor sabab la xiriirta Feyraska Covid19, wuxuuna qorshaha markii hore ahaa in la daawado Eid2020 balse taasi ma aysan dhicin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here