Salman Khan iyo Katrina Kaif waa laba shaqsi oo isku soo baxa ha jillaan filim ama howl bannaanka ka ah aflaanta.

Salman ayaana dabeecad ka dhigtay inuu marwalba ammaano Katrina.

Salman ayaa wuxuu haatan gees kale ka ammaanay xirfad jilliinka Katrina, wuxuuna sheegay inay ka mid tahay atariishooyinka ugu wanaagsan Bollywood-ka marka ay timaado qoobka-ciyaarka.

Waxaase xiiso leh inuu Sallu Bhai atariishadaan la meeldhigay Priyanka Chopra iyo Deepika Padukone, xitaa wuxuu sheegay in laga yaabo inay kaga sarreyso dhanka dance-ga.

Salman Khan oo ammaanayey atariishada la hogaamineysa filimka Tiger Zinda Hai, wuxuu yiri: “Waa shaqsi garanaya inta uu xadkeedu ku egyahay waxayna u shaqeysaa si adag si ay u sameyso wax walba oo aysan sameyn karin.

“Waxaan xasuustaa in Kat aysan ku fiicneyn qoobka-ciyaarka markii ay kusoo biireysay Bollywood-ka. Maanta waa ka mid ka mid ah atariishooyinka ugu wanaagsan Bollywood-ka dhanka qoobka-ciyaarka.

“Priyanka Chopra, Deepika Padukone iyo atariishooyinka kale ee qoobka-ciyaarka looga haray ayaan la barbardhigayaa Kat. Xitaa waxaan u maleynayaa inay kaga fiican tahay dhanka qoobka-ciyaarka.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here