Super Star Shah Rukh khan ayaa si lama filaan ah ku booqday showga ama riwaayad laga sameyay ama looga soo horjeedo kufsiga dumarka loo geesto dalka India ee xad dhaafka noqday sanadadan dambe.

Wuxuuna SRK goobtaas ka sheegay in dumarka madaxa dushiisa ka saaranyihiin aadna u xushmeeyo haboonena in lagu xad gudbo walibana wuxu hadalkiisa raaciyay in saaxiibkiis Farhan Akhtar oo filimka Don (Director ka ka aha) uu asna sido kale iskumid ka yihiin dhanka dumarka.

SRK oo hadlaayo wuxuu yiri,”Aniga iyo Farhan badana manala tixgaliyo sababtoo ah xoogaa waan yara jilicsanahay dumarka dhankooda waliba sido kale waxaan nahay dad dagan oo xishood badan dumarkana sifiican ula dhaqma.”

“Aniga iyo Farhan ayaa sidaa dareenaba maadama dareenkeena yahay in had iyo goorama dumarka naga sareyan aan umaleno, mida kale cabsida iyo xishoodka laga xishoodo dumarka ma ahan ceeb sidaan aaminsanahay sidaa awged Ragga waa inee xushmeyaan qadarina umuujiyaan dumarka waayo wey nala dhashteen, waxbee inoo dhalaan, waan dhalnay, weyna na dhaleen.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here