Mega Star Shahrukh Khan iyo filimada ka guul dareysteen (Below Average, Flop iyo Disaster noqdeen).

0
832

Shahrukh Khan waa boqorka Bollywoodka waana mid kamid ah jilayaasha maqaamka ugu sareeyo ka gaaray fanka India asigoona la yimid filimaan waaweyn sidoo kalana abaal marino badan uu ku qaatay.

Horay waxaan uga soo hadalnay filomada uu la yimid ee Hitka dhameystiran noqdeen iyo filimada u guuleystay balse Hit dhameystiran noqonin, hadaba maqaalkeena maanta waxaan kusoo qaadan doonaa jilaagaan filimada ka guul dareysteen misna noqdeen Flop, Below Average iyo Disaster.

Maqaalkaan wuxuu daba socdaa maqaal xiiso badan oo aan aktarada Bollywoodka ka diyaarin doono iyo natiijada filimadooda gaareen waxaana soo qaadan doonaa kuwa ay xogtooda sida rasmiga usoo daabacday shabakada BOI ee 1994tii wixii ka dambeeyay.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo filimada Below Average, Flop iyo Disaster ka noqdeen Mega Star Shahrukh Khan;

Below Average; Chaahat, Paheli,

Flop; Zamaana Deewana, Guddu, Trimurti, English Babu Desi Mem, Duplicate, Dil Se, Phir Bhi Dil Hai Hindustani, Hey Ram, Asoka, Swades, Billu, Fan, Jab Harry Met Sejal, Zero.

Disaster; Oh Darling Yeh Hai India, One 2 Ka 4, Yeh Lamhe Judaai Ke.

Guud ahaan Shahrukh Khan wuxuu la yimid 58 filim waxaana xog rasmi laga soo gudbiyay 55 filim waxaana meesha ka maqan filimadii la daawaday 1993dii iyo 1992dii oo ah 3 filim waxayna kala yihiin Baazigar, King Uncle iyo Dil Aashna Hai.

Shahrukh Khan waxaa Hit dhameystiran u noqdeen 25 filim waa hadii filimada xogtooda BOI soo daabacday laga hadlo waxayna kala yihiin 2 filim ATBB ah 8 filim BB ah 4 filim oo Super Hit ah iyo 11 filim oo Hit ah.

Waxaana Sami Hit iyo Average u noqdeen 11 filim oo kala ah 5 filim Semi Hit ah iyo 6 filim Average ah. Sidaas darteed guud ahaan filimada u guuleystay waa 36 filim ayadoo aysan ku jirin 3da filim ee xigtooda wali BOI soo daabicin.

Sidoo kale waa ka guul dareysteen 19 filim oo kala ah 2 filim Below Average, 14 filim Flop ah iyo 3 filim Disaster ah.

F.G; Filimka Baazigar inkastoo xogtiisa BOI wali soo daabacin hadana waa Blockbuster halka filimada King Uncle iyo Dil aAashna Hai ay Flop yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here