Waxaan horey idin kula wadaagnay warbixin ku aadan in Suldaan Mahesh Babu door muhiim ah balse kooban ku yeelan doono filimka weyn Acharya ee Megastar Chiranjeevi hogaamiye ka yahay lana daawan doono 14 Aug 2020 ama todobaadka xuriyada Hindiya.

Balse haatan warbixintan ugu dambeyntii axa si rasmi ah kaga hadlay Chiranjeevi oo sheegay in sheekadan xaqiiqo ahayn welina aysan la xariirin isaga iyo wiilkiisa Ram Charan oo filimkan soo saare ka ah Mahesh Babu si uu door muhiim ah mashruucan ugu yeesho.

Megastar Chiranjeevi wuxuu yiri “Mahesh waa qof nagu qaali ah sidoo kalena wax wabo aan ka codsano aniga iyo Ram ku kalsoonahay inuu naga aqbalaayo balse haatan lama joogo waqtigii arimaha filim jilista laga hadli lahaa waxaa la joogaa xiligii dadkeena aan caawin laheyn madaama Coronavirus-ka lala dagaalayo.”

Chiranjeevi oo hadalka sii wato wuxuu yiri “Mahesh filimkeyga xiga Acharya maba kala hadlin inuu door yeesho sidaa darteed waxba kama jiraan sheekada ku aadan inuuu kasoo muuqan doono filimkeyga.”

Megastar Chiranjeevi sanadkii hore wuxuu la yimid filimkeygii weynaa Sye Raa Narasimha ee uu wiilkiisa Ram Charan u maal galiyay haatana waxaa u diyaarsan filimka Acharya waxaana filimkan Director ka ah Koratala Siva.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here