Waxaan wada ognahay atooraha caanka ah Sonu Sood sanadkan 2020 inuu ciwaanada Hindiya oo idil uu qaatay madaama howlaha samafalka halkii ugu sareesay gaarsiiyay asigoo dad badan oo dhibaatooyin kala duwan qabeen u gar gaaray xiligii ugu adkaa ee karoonaha Hindiya ku qasbay guryaha laga soo bixin sidoo kalena Sonu haatan mashaariic hormarin oo kala duwan ayuu ka wadaa qaar ka mid ah gobolada Hindiya ee uu ku garab istaagayo ardayda, qoysaska saboolka ah iyo sida guud dadka karoonaha shaqo la’aanta dhigay.

Sidaa darteed Sonu Sood dhawaan wuxuu sheegay in hadda kadib filimada door xumaan ama laadar ku matali doonin ee door wanaag kaliya ku jili doono sidoo kalena wuxuu sheegay in noloshiisa shaqo aad isku badashay ilaa haatana uu saxiixday afar ilaa shan filim oo door hogaamiye ku matali doono sheekooyinkoodana heer sare yihiin.

Sidaa darteed Megastar Chiranjeevi waxaa dhawaan ku adkaatay inuu garaaco ama uu u gacan qaado ninka wanaaga looga bartay oo shacab weynaha Hindiya oo idil ula baxeen geesiga dhabta ah wuxuuna Chiranjeevi yiri “Aniga iyo walaal Sonu waxaan wada sameenay ficilo Action ah halis badan ah waxaa igu adkaatay inaan u gacan qaado qofka dadka oo idil wada jecel yihiin, waxaana ka cabsanaa dadka inay i habaaraan markay daawadaan anigoo Sonu gaaracayo, balse isaga igu qasbay oo igu dhiri galiyay shaqada qabyada ah inaan wada qabano.

Sidoo kale filimka Acharya oo uu soo saare ka yahay Ram Charan waxaa ku jiray muuqaal horey loo duubay oo Chiranjeevi cagtiisa dul saarayo Sonu Sood ficil dagaal ah balse haatan muuqaalkaas dib ayaa loo duubay si xoogaa meesha looga saarayo sharaf dilka ku imaan karo magaca Sonu Sood haatan bulshada Hindiya ku dhex yeeshay.

Sonu Sood wuxuu sheegay filimka Acharya inuu saxiixday sameyntiisa sanadkii hore sidoo kalena mashruucan uu noqon doono midkii ugu dambeesay ee uu door xumaan ama laadar ah ku matalo sidoo kalena wuxuu u mahad celiyay soo saare Ram Charan iyo aabihiis Chiranjeevi sida ay u xushmeeyeen oo muuqaalada qaar xitaa dib loogu laabto si Sonu aan shaashada loogu bahdilin dadka jecelna niyad jab aysan la kulmin markii ay filimkan daawadaan xagaaga dambe 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here