Salman Khan ayaa maanta si rasmi ah u bilaawayo duubista filimkiisa Radhe ee qabyada ahaa muuqaalada dhiman ayaana maanta lasii amba qaadi doonaa sida la xaqiijiyay.

Kooxda ayaa diyaarisay qaab fiican oo howsha mashruucan dhaqsi lagu soo gaba gabeyn karo waxay kireysteen hotel kuyaalo duleedka magaalada Mumbai halkaaso ay kusugnaan doonaan mudo 15 maalmood ah.

Mashruuca jadwalkiisa halkaas ayaa lagu duubayaa waxaana macquul ah in muuqaalo qaar xaafadaha Mumbai lasoo dhexgalo si kastee ahaataba shuruuc ayaa taalo meesha kow qof walba oo howsha Radhe ku guda jiro inuusan qof banaanka ah la kulmi karin cabsi laga qabo Covid-19 aawgii.

Koox dhaqaatiir ah ayaa goobta joogaan oo maalin walba baaritaan ku sameeyn doonaan dhamaan jilayaasha iyo dadka kaleba hader tijaabada kowaad ee baarisa Karona waa laga qaaday jilayaasha tijaabada labaadna isla maanta ayaa laga qaada kahor inta aysan kaamirada hortagin

Radhe waxaa qarash gareynayaan Salman Khan,, Sohail Khan iyo seedigood sido kalena Disha Patani, Randeep Hoda iyo Jackie Shroff ayaa Sallu shaashada laga soo muuqan doonaan waana mashruuc dagaal ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here