Waxaa ka harsan 4-bilood oo qura Ciidul Fitriga sanadkan sidaa darteed Megastar Salman Khan iyo kooxdiisa filimka Radhe waxay dadaal xoogan ugu jiraan sidii duubista mashruucan loo soo idleyn lahaa kadibna loo faaf reebi lahaa waxayna markaas bilaabi lahaayeen xayeysiin balaaran in loo sameeyo filimkan Action-ka ah.

Aqbaarta wanaagsan waxay tahay in Salman Bhai uu shaaca ka qaaday hal bil ka yar duubista ka harsan filimkan lagu soo idleyn doono madaama inta badan horey loo duubay qaybaha ugu muhiimsan filimkan haatana jadwalka ugu xasaasisan waxaa kula soo biireen Disha Patani iyo Randeep Hooda ayadoo duubista haatan Mumbai ka socoto.

Kadib waxaa xigi doono jadwal duubis loo aadi doono Bangkok waxaana la qorsheenaa in Radhe duubistiisa soo idlaato 21-ka bisha Febraayo oo ah bisha nagu soo fool leh wuxuuna Salman Khan rabaa kadib horaanta bisha Maarso inuu duubis ku bilaabo filimkiisa kale Kabhi Eid Kabhi Diwali oo Eid 2021 la daawan doono.

Salman Khan iyo kooxdiisa filimka Radhe waxay qorsheenayaan in filimkooda weyn tiyaatarada la saaro 22 May 2020 ama Eid 2020 waxayna isku dhici doonaan filimka Laxmi Bomb ee Superstar Akshay Kumar hogaamiye ka yahay waana isku dhaca ugu weyn ee sanadkan 2020 la wada sugaayo in Akki iyo Sallu oo saaxiibo ah Boxoffice-ka ku hardamaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here