Meghana Gulzar waa filimsameyso caan ah waxayna markii ugu horeysay ka hadashay xiisada taagan ee Deepika Padukone loogu kacsanyahay taaso wali aan dhamaanin ugu dambeyna afka ayee furatay ayadoo difaacday Deepuu.

Deepika waxaa lagu heystay booqashada ay booqatay jaamacada JNU ee Delhi kutaalo taaso ay dhigtaan arday muslimiin ah oo jirdil dowlada India u geysatay dad badan ayaana Deepika kaga hor imaadeen arinkaa oo Hindu u badan.

Iyagoo ku heystaan sababte ula safatay ardaydaas ogana soo horjeedsatay dowlada iyo qarankeeda kuwa qaar ayaaba Indian ma tihid dhaheen hadaba Meghana Gulzar ayaa difaacday Deepika markaan inkastoo xidigo badan horey u garab istaageen hadana Meghana ayaa usoo baxday.

Meghana waxay u difaacday waa in sheekada lagu so lifaaqay shaqada Deepika oo shaqsi ahaan laga soo tagay maadama dadka qaar dhaheen Deepika Filimka Chhapaak ayee siýaasadeyneysaa misane kaga faaideysaneysaa xasarada taagan si mashruuceda u gadmo ayeena halkaas u booqatay.

Meghana waxay tiri,”waxaa haboon in lakala saaro shaqada iyo shaqsiyada dhamaanteena waan ognahay sababta Deepika halkaa u booqatay marka hore Delhi shaqo ayee u aaday balse jaamacada shaqo uma aysan aadin iyo inee Filimkeeda ku xayeysiiso waad dhihi kartaan Delhi shaqo ayee u aaday laakiin waa khalad in ladhaho jaamacada shaqo ayee u aaday ama siyaasad.”

“Qof walba oo damiir leh ayaa looga baahanyahay garab istaaga ardayda Deepika kaliya ma ahan iyada waaba shaqsiga kaliya ee booqatay halkaa anagana afka kaliya ka taageernay aan isku xishoono oo aan ku ammaano falke Deepika ku kacday ardaydaasna ma ahan dad shisheeye waa walaalaheen waliba dhiban.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here