Mesut Ozil oo hadiyad xaaskiisa ka ilmeysiisay siiyay gabadha yar ee ay isku dhaleen.

0
1297

Laacibkii hore ee kooxaha Arsenal iyo Real Madrid Mesut Ozil waa qof aad u qalbi wanaagsan markii ay arinta joogto caawinta dadka masaakiinta ah asigoona horay dad badan usoo caawiyay.

Balse markaan caawintii uu sameeyay waxay ka ilmeysiisay xaaskiisa kadib markii uu minxo waxbarasho ugu deeqay 100 arday oo agoon ah kuwaasoo uu balan qaaday inuu deeqda waxbarasho ka dhiibi doono inta ay waxbarashada wadaan.

Mesut ayaana magaca deeqdaas waxbarasho ku bixiyay magaca gabadhiisa yar ee Eda Ozil taasoo ay u dhashay atariishada ahna boqoradii quruxda Turkiga ee Amine Gulse.

Amine Gulse oo kadib falkii Mesut qoraal soo dhigtay barteeda ayaana waxay soo qortay; “Mesut wuxuu iga dhigay mid aad u faraxsan, wuxuuna hadiyad qiimo leh ku bixiyay magaca gabadheena”.

Ma ahan markii ugu horeysay uu Mesut deeq caawin ah siiyay dadka masaakiinta ah horay ayayna u dhacday inuu sidaan u sameeyay in badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here