Mesut Ozil oo weerar culus ku qaaday umada muslimiinta iyo saxaafada reer galbeedba asigoona ku dhaliilay sida ay uga aamusanyihiin tacadiga loo geysto..

0
728

Mesut Ozil laacibka kooxda Arsenal iyo qaranka Germany balse asal ahaan kasoo jeedo wadanka Turkiga sidoo kalana heysto diinta Islaamka ayaa weerar ku qaaday shacabka iyo xukuumadaha muslimka ee ka aamusan tacadiyada lagula kacayo muslimiinta u dhalatay wadanka China.

Ozil sidoo kale wuxuu weerar ku qaaday saxaafada wadamada reer Galbeedka asigoona ku eedeeyay iney isko indho tiraan tacadiyada lagula kacaayo muslimiinta laga tiro badanyahay ee wadanka China.

Ozil ayaa qoraalkaan hoose bartiisa Twitterka soo dhigay;

“Caalamka islaamka oo dhan way aamusanyihiin, halka saxaafada reer galbeedka ay tooshka ku haayaan waxa ka dhacaayo Turkistaanta bari, balse waxaa jiraan kutubo la gubaayo masaajido la xiraayo, iskuulo la kansalaayo iyo culimaa’udiina dilaayo, halka umadii nabi maxamed scw aamusantahay wax shanqarna laga heynin. Miyaysan ogeyn in dulmiga oo raali laga noqdaa dulmi kale yahay? Rabiyow u hiili walaalaheena halkaas (Shiinaha) joogaan Allaah ayaana u kheyr badab kuwa wax dhagra”.

Hadalka kasoo yeeray Mesut Ozil ayaa waxaa siweyn looga falceliyay baraha bulshada gaar ahaan wadamada muslimiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here