Venkata Prasad oo ka mid ah jillaayaashii doorarka muuqda ku lahaa filimka caanka ah ee Baahubali ayaa xabsiga la dhigay Khamiistii, sida ay warbaahinta India daaha ka qaadeen.

Venkata Prasad wuxuu filimka Baahubali ku jilay doorka inuu yahay aabaha soo korsaday Prabhas – balse xabsiga ayaa la dhigay ninkaan oo sidoo kale ah maareeyaha shirkadda IMAX Multiplex ee fadhigeedu yahay Hyderabad.

Sababta ay boliisku xabsiga u dhigeen Venkata Prasad, ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay, in haweeneey aan magaceeda la shaacin ay kusoo eedeeysay inuu khiyaano u geystay, isagoo arrintaas uga faa’iideystay inuu sariir la wadaago.

Haweeneydaan ayaa ku eedeysay Venkata Prasad inuu uga baxay ballan guur oo uu ka qaaday inkastoo ay xaqiiqadu tahay inuu muddo todobo sanno ah isticmaalayey. Waxayna arrintaan ku sheegtay khiyaano maadaama marwalba oo ay guur ka dalbato, uu isagu doortay in uusan ka aqbalin. Waxayna ku eedeysay inuu xiriir qarsooni ah la leeyahay naag kale.

Venkata Prasad waa sax oo wuxuu guursaday gabar kale sannadkii 2007dii, muddo 10 sanno ah ayaa kasoo wareegtay labadooduse siyaabo kala duwan ayey u kala noolaayeen. Xitaa inay isfuraan ayey go’aansadeen.Gabadhaan dhibanaha ah ayaa sidoo kale caddeysay inay laba jeer uur u qaaday Venkata Prasad, laakiin labadaas jeerba uu ku amray inay iska soo rido. Sidoo kale wuxuu ugu hanjabay inuu dili doono haddii ay mardambe guur ka dalbato.

Boliiska ayaana haatan tallaabo ka qaaday Venkata Prasad iyagoo xiray Khamiistii. Waxaa intaas sii dheer boliisku baaritaankii ay sameeyeen waxay ku ogaadeen inuu Venkata Prasad sidaan oo kale dhowr gabdhood u khiyaamay. Waxyaabo kale oo baaritaankaan lagu ogaaday ayeyna boliisku ballan qaadeen inay dhowaan shaacin doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here