Armaan Kohli wuxuu dhashtay 23 march sanadii 1972 wuxuu ahaa atoore buuxa  oo filim dhan hogaamiya ka noqda 90kii waxaa aabo u ah xidigaan directorka weyne ee Rajkumar Kohli.

Wuxuu wax kasoo bartay OLPS high School balse markii dambe uu isaga tagay iskuulkas maadma uu imtixaanka kudhacay. Wuxuu kazoo muuqday asigoo cunug yar ah 2 filim ee uu aabihiis iskala lahaa balse atoore hogaamiyaha wuxuu kagasoo muuqday filimkii Virodhi kaasoo soobaxay sanadkii 19992.

Sido kale filimkaan Virodhi waxaa Armaan la hogaaminayen jilayaalkii waaweyne sida Darmendra, Sunil Dutt iyo Poonam Dhillon waxaa na soore iyo director ba ka ahaa aabihiis Rajkumar Kohli.

Waxaa kalo jirta in uu Armaan kamid ahaay xidigaha lalarabay booskii SRK filimkii Deewana ay atariishda ka aheyd Divya Bharti, balse Armaan oo diiday doorkas ayaa SRK sidaa ku qaatay waxaa kaloo jiraan xidigo kale oo doorkas diideen.

Waxaa kaloo lalaraby filimka Baazigar in uu hogaamiye ka noqdo xidigaan balse xanaaqa badan ee uu xidigaan leeyahay aawged  madhicin markii dambe SRK ayaa qaatay doorkaas.

Filimo badan ayuu xidigaan kazoo muuqday 90kii, waxaana kamid ahaayen Dushman Zamana 1992, Aulad Ke Dushman 1993 iyo Qahar 1997, 5 sano kadib ayuu soo laabtay geesigan waliba asigoo door cusub keenay kuna soo kordhiyay Bollywooka filimkii Jaani Dushman Ek Anookhi Kahani.warar been a ayaa waxay isla sanadkaas shegeen in xidigaanii geeeriyooday kadib markii uu gaarigiisa shil lagalay.

Sanadkii 2013 ayuu wuxuu kusoo biiray showga Big Boss 7 isla sanadkaas 16 December ayaa la xiray jilaagan kadib markii ay isku dhaceen Sofia Hayat taasu uu aflagaado ugu geestay halkaas show ga oo socda, balse maalinti kuxigtay ayaa lasii daayey.

Mudo dheer uu bOlywoodka ka maqnaa kadib wuxuu soolabtay asigoo door laadarnimo ah wato filimkii Prem Rathan Dhan Payokaasoo soobaxay 12 november 2015.

Jilaagan waa atoore aad u xanaaq badan tan iyo yaraantiisii taaso sababtay in filimo waaweyn xitaa uu diido waxaaa kaloo jirtay In mar uu xirir jaceyl la lahaa atariishadii caanka aheyd ee Ayesha Jhulka.

Waxaa kaloo jirto inay saaxiib ahaayen Tanisha Mukherji.

1 COMMENT

  1. Arman waxaa halkaas ii kaga muuqato xanaaqiisa badan in uu wax badan ku wayay balse muhiimada ah in xanaaqa farabadan uusan waxba kuu soo kordhinaynin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here