Home » Nolosha Jilaayaasha » Mid Kamid Ah Shaqaalaha Ajay Devgan Oo Faraxumeen Iyo Anshax Xumo Lagu Soo Eedeyay!!

Mid Kamid Ah Shaqaalaha Ajay Devgan Oo Faraxumeen Iyo Anshax Xumo Lagu Soo Eedeyay!!

Tanya Paul Singh waa mid kamid ah dadka ka shaqeyaan Bollywoodka si qaas ah waa Director caawiso waxay director caawiso ka noqotay Ajay Devgan iyo Tabu filmkooda De De Pyaar De kaaso Luv Ranjan uu Qarash gareenaayey.

Tanya waxay qaabilsaned dhanka ilaalinta ama Control-da shaashada oo muuqaalada si wnaagasan ayee oga taxadireesay ayadoo Director-ka la shaqeensay waxay Me Too u bandhigtay anshax xumo uu kula kacay Ajay Devgan ninka u qaabilsan hagaajinta timaha ee lagu magacaabo Harish Wadhone.

Waxay tiri iyadoo ka sheekeyneysa arinkaan,”waxaan director caawiye ka ahaa filmkaan xili aan ku mashquulsanaa dhanka shaashada iyo hagaajinta muuqaalada duubista filmkana socoto waxaa gadaasheyda soo istaagay nin kaaso gacmihiisa garbaheyga soo saaray.”

“Waan dareemay inuu nin yahay waxuu bilaaway inuu ii riix riixo ama qaab masaajeen oo kale ayuu qoorta, garbaha ilaa dhabarka iigu riix riixay anigoon u dirsanin balse dareenkisa gacmihiisa ayaan ka dareemayay saqajaanimo.”

Aniga waan awoodi waayey in aan gadaal usoo eego oo aan ogaado qofka uu yahay maadama howl culus aan faraha kula jiray muuqaal la duubayeyna aan ilaalinaayey markii muuqaalka dhamaaday ayuu Director-ka joojiya duubista waa Ok yiri balse Director-ka ayaan u sheegay in qalad yar jiro oo lagu celiyo duubista.”

“Markii aan booskeyga kusoo noqday ayaan arkay inuu yahay ninka Ajay Devgan u xilsaarna timo hagaajinta waxuu igu qabsaday inaan u mahadcelin waayey masaajentisa iyo riix riixdiisa waan dhibsaday balse intaas kuma ekaan.”

“Waxuu ila soo fariistay kursiga aan fadhiyay oo weyna dhinaciisa ayuu dhinaca iisaaray isagoo ku anda cooday inuu doonayo inuu arko muuqaalka Ajay Devgan duubayo balse waxyar kadib farihiisa oo dhabarkeyga sal salaaxayaan ayaan dareemay markaas ayaan canaantay una sheega inuu ka kaco kursiga.”

“Waxaan u dacwooday gudiga anshax iyo nidaamka filmada warkaasna waxuu gaaray Luv Ranjan si qaas ah ayuuna iigu yeeray waxuna igu qabsaday sababta aan markii hore dhibkan ugu sheegi wayey isaga maadama uu xalin lahaa sababto ah Luv Ranjan iyo Ajay waa saaxiibo isku wanaagsan balse ugu dambeyn ninkaas meesha waaba laga buriyay.”