New Superstar Prabhas ayaa dhexda kaga jira guushs Filimkiisa Saaho qeybo kamid ah waxuuna noqday atoore laga daba dhaco taageerayaal fara badana ku yeeshtay daafaha caalamka waaba Superstar ka dhaxeeyo India qeybaheeda kala duwan awood weyna ku yeeshtay.

Dhowaan ayee ahed markii mid kamid ah taageerayaasha Prabhas koronto qabsatay kuna geeriyooday isagoo tiyaatarka u jooga daawashda Filimka Prabhas shilkaas kadib hader waxaa la arkay taageero kale oo lala yaabay.

Taageerahan sida waalida u taageero Prabhas ayaa fuulay dabaq dhirir badan oo shirkad isgaarsiinta taleefanada leedahay kuna yaala xaafad kamid ah reer Telugu waxuu ku hanjabay inuu dabaqaas iska soo tuuri doono hadii uusan la kulmin Prabhas.

Cid iisoo dhowaan karta malahan ayuu yiri ninkaan haddi kale waan istuuraa waxuu dalbaday isla goobta waliba isla waqtigaas in Prabhas goobta ugu yimaado si uu ula kulmo markaasna riyadiisa u rumowdo waana fal waali ah.

Wax warar ah hader lagama haayo hadii Prabhas sheekadan loo sheegay iyo ninkaas inuu geeeriyooday ama la bad baadiyayba wixii war kasoo kordha kala soco shabakada Filimside….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here