Atariishada caanka ah Shamita Shetty ayaa shaashadaha kusoo laaban doonta ka dib muddo dheer oo ay ka maqneyd, waxayna daadihin doontaa showga Yo Ke Hua Bro.

Walaasheed ahna atariisho laga qadariyo Bollywood-ka Shilpa Shetty ayaana waxay ammaantay tayada Shamita Shetty, Shilpa ayaana caddeysay inay Shamita iyada ka tayo badan tahay.

“Maadaama aan ahay walaasheed ka weyn, waan ku faraxsanahay in Shamita ugu dambeyn ay shaashadaha kusoo laabato,” ayaa laga soo xigtay Shilpa Shetty.

“Dalabyo ayaa u imaanayey, balse kuma jirin dalab ay jecleysatay. Waxaan u maleynayaa inuu showgaani yahay mid xiiso leh, waana u sheegay Shamita inaan ka helay aragtidaan markii ay igala tashatay.

“Shamita waa shaqsi aad u tayo badan, hadalkaan uma dhahayo inay walaasheey tahay. Laakiin markaan arko bandhig jilliinka Shamita xitaa waxaan dareemaa inay aniga iga tayo badan tahay. Waxaan xitaa jeclahay qoobka-ciyaarkeeda dabiiciga ah. Si aan qaabkeeda oo kale ugu ciyaaro waa inaan sameeyaa isku day badan”. Ayey Shilpa hadalkeeda ku dartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here