Ebru Sahin waa atiriisho caan ah oo magac weyn kuleh Fanka turkiga waxay sameeysay taxanayaal dhowr ah haba ugu dambeyo midkee hader duubis kuwado ee Hercai kaaso doorka Reyyan ku jileyso ama xaaska Miiraan (Aki Akinozu).

Macluumaad yar oo xidigtaan kusaabsan ayaan idiin soo diyaarinay hoos kaga bogo maadama akhristayaal badan soo codsadeen marwalbana waxaan u adeegnaa akhristayaasheena sharafta leh inaan qancino.

Qodobka 1-aad: magaceeda dhabta ah waa Ebru Sahin halka naanes ahaan loogu yeero magaca Kan Parasi balse hader dadka badankoods Reyyan ayee u yaqaanan waana doorkeeda Hercai.

Qodobka 2-aad: 18 May 1994 ayee dhalatay kuna dhalatay Istanbul halkaas ayeena kusoo bar baartay waana 25 jir wali aan la guursanin noloshana kali ku ah waqtigaan mana jiro xiriir qof ay la leedahay sida xaqiiqada ah wixii xan ah waa gooni.

Qodobka 3-aad: Reyyan mar la weydiiyay nooca wiilka ay ka hesho inee mustaqbal la wadaagto waxay sheegtay,”waxaa muhiim ah inuu daacad yahay aana ku aamini karo nafteyds wax kale kama rabo.”

Qodobka 4-aad: Reyyan wey ka hanti badan tahay atooraha Miiraan ee Hercai la sameeynaayo maadama Hantideeda lagu sheegay inee $2 Million dollarka mareynkan ah gaareyso halka isagana uu heesto $1.5 Million.

Qodobka 5-aad: Waa gabar muslimad ah oo diinta islaamka heysata waxayna fanka soo gashay 2016 oo ay bialwday inee sameeyso taxanayaasha turkiga.

Qodobka 6-aad: mudadii 3 sano ay howshaan waday abaal marino kala duwan ayaa la siiyay sida abaal marinta atiirishada sanadka ugu qaab jiliinka wanaagsan, abaal marinta xidigta dardarka kusocoto ama xawaaraha sare iyo kuwa kale waana atiriisho qaab jiliin cajiib ah leh.

Dhamaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here