Waxaa si rasmi ah xalay loo soo bandhigay goos gooska 3-aad ee xalqada 34-aad taxanaha Hercai waana markii ugu horeysay hal xalqo 3 goos goos laga soo bandhigo todobaadkan ayeena dhacday tani waxay cadeyn u tahay in xalqada 34-aad xiiso waali ah leedahay.

Hadaba goos gooska ayaa ku bilaawanaayo Miiraan iyo Reyyan oo joogaan gurigii gaarka ahaa ee ay nasiinada u imaan jireen kadib Miiraan ayaa dhahaayo,”aniga qof xun ayaa ahay waxaan adiga Reyyan ah kugu sameeyay iyo waxaan nafteyda ku sameeyay marnaba ma ilaawi doono waxaana u sabab ah ayeeydey caziiza oo aan rumeysan jiray waligey.”

Kadib waxaa lagu tusaa Hazar oo careysan aabihiis Nasuh na wajahaayo waxuuna dhahaa,”aabo sanado kahor waxaa kuu timid Dilshaah iyadoo caawinaad kaa dalbatay balse adiga maxaa ku sameysay” Nasuh uma jawaabayo waa murugeysan yahay, Hazar oo ilmeynaayo ayaa aabihiis kudhahaayo “maanta kadib aabo iima tihid ismana sheegano.”

Waxaa lagu tusaa hadana Miiraan oo meel cidlo ah jooga qof inuu sugaayo ayeena u egtahay xili Hazar oo careysan uu gaari soo wato si xoog ah ayuuna gaariga uwadaa kadib waxaa lagu tusaa Caziiza oo si qarsoodi ah qof kula kulmeyso.

Laguma tusaayo qofkaas wajigiisa balse Miiraan ayaa kasoo dabagalaayo Caziiza waxuuna dhageysanaa sheekada Caziiza iyo qofkaas dhexmaraayo muuqaalka xiga waxaa lagu tusaa Reyyan oo Miiran kudhaheyso goormee is ilaawsiine xanuunkan iyi murugadan ku heysa.?

Miiran ayaa dhahaayo “wax walbo hader ayee dhamaanayaan” kadib waxaa lagu tusaa Miiran oo aad u xanaaqsan waxuuna imaana qasriga reer Aslanbey isagoo cod dheer kudhahaayo,”reer Aslanbey sidaa uwada dhantihiin banaanka imaada soobaxa” sidaas ayuu dhahaa dhamaad goos gooska ayaa halkaas kudhamaanayo.

Inaba caadi ma ahan xalqada 34-aad maadama 3 goos goos kala daran laga soo bandhigay waxaan sugnaaba waa caawa oo xalqada lasoo bandhigaayo halka beri subax aan idiin soo diyaarin doonno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here