Waxaa xalay lasoo daayey xalqada 33-aad ee taxanaha Hercai waana xalqad si waali ah loo wada sugaayey waan idiin kala soo daahnay dhacdooyinka xalqadan fadlan hoos kaga bogo xiisaheeda:

Xalqada waxay ka bilaawane meeshe kudhamaatay tii hore xili Miiraan taaganyahay albaabka qolkiisa gudahana uu Harun kujiro balse gabar ayaa Miiraan gadaashiisa oga yeereyso taaso hab siineyso Miiraan Reyyan wey arkee maseer ayaana qabanaayo gabadha waxaa kagu magacaaba Deniz Miiraan ayeena jaamacad Mareykan kutaalo isla dhigan jireen.

Sababte Miiraan ula kulantayna waa inee Harun ka shaqeyso si ay iyaga u mashquuliso Harun na qolka oga soo baxo ayaa loogu talo galay sababto ah Harun qolka waxuu u galay inuu Miiraan jeebkiisa warqad galiyo kaliya warqadii ayuu galina meesha wuuna kasoo baxa balse banaanka ayaa lagu qabanaa waxuuna sheega in isaga iyo Deniz is jeclaan jireen balse hader uu Yaren guursan rabo inuu sidaas Deniz usheegana uu halkaan u yimid.

Gabadha Deniz ladhaho waxay Reyyan usheege in Miiraan iyi iyada isjeclaan jireen balse uu kasoo tagay si uu reer Sodoglu oga aargoosto maantana Harun ayaa iga tagay ayee dhahe waana qorsho been ah oo ay Harun isla ogyihiin kadib banaanka ayee ku kulmayaan Harun iyo Deniz waxuuna usheega ine shaqadeeda udhamaatay meeshana isaga tagto weysa diide waxay usheege ine Miiraan ka aargoosan doonto.

Miiraan waxu hela warqadii Harun meesha ugu qariyay waxaana ku qoran warqada,”Miiran hadii aad dooneyso ina ogaato run walba qofkii hooyadaa sirhaye u ahaa raadi” Miiraan waxuu wacaa Hazar arinta warqada ayuuna usheega waxuuna usheega inuu sii baadi goobo sirhayihii Dilshaah maadama isaga Istanbul joogo.

Hazar ayaa walaalkiis Jihaan garab ka codsanaayo si ay runta u baaraan waxuuna Hazar baadi goob ku bilaawa gabar macalimad ahed oo Dilshaah saaxiib ahaan jireen Nasuh ayaa ka war helaayo arinkaa waxuuna kaga hormaraa gabadhii isagoo ka codsanaayo ineysan waxba usheegan hadii Hazar u imaado gabadha waxay ogtahay in Nasuh uu ka dambeyo jaceylkii Dilshaah iyo Hazar bur burkii kuyimid.

Harun istanbuk ayuu kasoo noqonaa qasriga reer Sodologu ayuuna imaana isaga iyi Hanifa ayaana ka shifayaan sirtii Yareen ee ahed warqadii ay qarisay Nasuh ayaa Yareen dhirbaaxayo qolna kuso xiraayo halka hooyaded labo dhirbaaxi kale ugu dareyso waa muuqaak Yaareen la ka shifaayo.

Hazar iyo Jihan waxay la kulmayaan gabadhii macalimada ahed ee Dilshaah saaxiibka ahaayen waxayna u sheege daqiiqado kahor inuu ka tagay Nasuh oo iyada ka codsanaayey inuusan sirtiisa kashifin meesha ayuuna Hazar ku ogaana jaceylkii Dilshaah iyo isaga ka dhaxeeyay qofka bur buriyay inuu aabihiis yahay waa muuqaal aad u qiiro badan Hazar aad ayuu u ooynaa.

Dhanka kale Miiraan iyo Reyyan waxay la kulmayaan Cumarkii ay raadin jireen waxuuna usheega sir badan oo hooyadiis Dilshaah kusaabsan qaarkood laguma maqashiinaayo waxaana kamid ah dhacdii Dilshaah dhibka loogu geestay iyo in aan lagi xad gudbin jirkeeda “ayeeyda Caziiza beeb ayee kuu sheegi jirtay” ayuu dhahaa Cumar.

Dhamaad xalqada halkaas ayee kudhamaane xili Miiraan dhulka kudhacaayo naxdin aawged qiyaanadii ayeeydiis markuu ogaado dhanka kale Hazar waa naxsan yahay asna dhankiisa waxuu ka ogaaday qiyaanadii aabihiis inaba caadi ma ahan sir badan ayaa is fur fureyso di waali ah ayaana dunida looga sugayaa xalqada 34-aad maadama Miiraan inta badan sirtii ka qarsooneed ogaanaayo.

Lasoco goos gooska xalqada 34-aad dhacdooyinka oo aan idiin soo tujumeyno….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here