Miiran ayaa ka dambeyo in Asmaa ay la noolaato Caziiza, cabsida Suldana heysa iyo taxliisha xalqada 37-aad taxanaha Hercai:

0
5520

Waxaan shalay idiin la wadaagnay dhacdooyinka xalqadii 37-aad ee taxanaha Hercai dhacdooyinkii ugu xiisaha badnaa ayaana idiin soo koobnay hadaba maqaalkan waxaan kaga hadleena taxliil kusaabsan guud ahaan xalqada.

Maxaan ka baranay xalqadan maxaase ka fahanay waa qodobka aan taxliilin doonno fadlan hoos kaga bogo waxyaabihii nagu cusbaa ee aan xalqadan ku aragnay iyo macluumaadka aan ka baranay.

1-Miiran ayaa ka dambeyo in Asmaa ay raacdo Caziiza markee qasriga ka guureysay oo isaga ayaa raac dhahay sababteedana lama oga.

2-warqadii Gonul godka ay ka heleysay misane cadeyneysay in walaalked nool yahay waxaa soo diray cadowga seddexaad xalqada 37-aad ayaana lagu ogaaday in cadowga seddexaad fariintaas uu usoo diray Gonul.

3-haweeyneyda guriga reer Aslanbey ka shaqeysa ee Aasiya la dhaho misane Suldana guriga keentay waa qof aan wajigiisa dhabta ah la fahmi karin balse halisteeda ayee wadataa waana haweeyney wax badan og qatarna ah waxayna u muuqata qof cadow ah lamana oga meeshe ka socoto iyo cidee cadow kutahay.

4-ugu dambeyn Yaren jikada ama kushiinka ayee gale misane Harun ayee cunno u sameynee waxay noqotay xaas laakiin si qasab ah ayee howshaas kuqabane waana muuqaal aad ku shactireysan doonto markaad aragto Yaren oo aan garaneynin sida raashiin loo kariyo.

5-Gonul Aslanbey shaqadii ay shirkada ka shaqeyneysa waa laga soo raacdeeyay waxaana ka dambeyso Caziiza maadama Gonul bilawday inee Caziiza Furat ka adeejiso Caziizana waxay Gonul ugu jawaabtay inee shaqada ka raacdeyso.

6-Elif waxay xalqadan u muuqatay qof is bedeshay misane naceeb u qaaday Reyyan sababto ah Azaad ayaa wali jecel Reyyan waxaana muuqata in Elif is bedeli doonto Reyyan na naceeb u qaadi doonto.

7-Suldana cabsi ayaa soo gashay markee ogaatay in Reyyan aabahed dhabta uusan ahen Hazar Shadalogu waxayna ka cabsanee in sir badan banaanka timaado haddii arinkaanba banaanka timid sidaa aawgedna reer Shadalogi ayee utagee ayadoo iskudayeso inee iskudarto reer Shadalogi iyo Caziiza Aslanbey.

8-Caziiza waxay soo ogaatay Reyyan aabahed dhabta ah qofka uu yahay laakiin marnaba ma ogaan doonto Harun qofka uu yahay ileen dhamaan cadeyn walba wuu masaxay sida uu isaga ka dhawaajiyay.

Dhamaad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here