Waxaa xalay si rasmi ah loo soo bandhigau xalqada 34-aad ee taxanaha Hercai hadaba dhacdooyinka ugu xiisaha badnaa xalqadan hoos kaga bogo inaba caadi ma ahan sir badan ayaa la ogaaday:

Xalqada waxay ka bilaawane meeshe tii hore ku dhamaatay xili Miiran iyo Reyyan ay wareysanayaan askarigii Cumar ahaa waxuuna Miiran usheega in hooyadiis Dilshah la kufsanin sharafkeedana lagu xad gudbin kaliya hal xabad ku dhacday sido kale seddex qof ayee wax gaareen ayuu dhahaa oo uu kawado Maxamed Aslanbey Dilshaah iyo Hazar inkastoo Hazar dhaawacmay labada kale wey geeriyooden ayu dhahaa.

Waxuu Cumar sheega in qof afaraad meesha joogay oo habeenkas side wax udhaceen ogaa balse Caziiza qofkaas aamusiisay inusan waxba sheegin waxuuna Miiran u tilmaana inuu qofkaas la kulmk si wax walbo u ogaado kadib waxaa lagu tusaa Hazar iyo Jihaan oo la joogaan macalimadii Dilshaah saaxiibka ahaayen.

Waxay sheege macalimasa in Dilshaah u timod Nasuh oo caawinaad ka dalbatay balse isaga uu ku jees jeesay sido kalena goobta ka eryay Hazar ayaa ogaanayo aabihiis sida uu ula dhaqmay gabadhuu jeclaa Dilshaah aad ayuuna u caroona waxuuna imaana guriga isagoo aabihiis ku qabsanaayo sababta uu sidaa u sameeyay.

Nasuh ma hadlaayo maadama la kashifay Hazar oo careysan ayaa dhahayo,”maanta kadib wiil iyo aabihiis ma nihin waxna nagama dhaxeyaan” oday yuusuf oo meesha taagan ayaa Nasuh u tilmaamayo inuu wiilkiisa Hazar runta usheego iyo waxa ku kalifay in Dilshaah uu buriyo hadii uusan usheegina wiilkiisa Hazar uu sidaa kuweyn doono.

Miiran iyo Reyyan ayaa imaanayaan qasriga Dilshaah waxayna meesha kula kulmayaan Hazar waxuuna Miiran Hazar usheega wax walbu so maqlay iyo inuu jiro nin afaraad oo habeenkas wixii dhacay wax ka og inee baadi goobaan ayeena ku heshiinayaan kadib Miiran iyo Reyyan qasriga ayee imaanayan Miiran ayaa qorsho udagaayo Caziiza waxuu iska dhigaa nin wali aargosigii kutaagan.

Sababto ah Miiran iyo Reyyan waxay isku waafaqeen inta laga helaayo ninka afaraad ine Caziiza waxba ku qabsanin shibna laga dhaho kadib Miiran waxa loo sheega in ayeeydiish Shakraan qasriga reer Sodolugu jirto waxuuna iska dhigaa nin careysan oo caziiza horteeda ayuu jiliin ku sameynaa isagoo ayeeydiis Shakran dib ugu so celinaayo qasriga Caziiza ayaana la yaabeyso sida Miiran ayeeydiisa ugu qeylinaayo sido kale waxay la yaabe inuu Reyyan horteeda ku canaanaayo maadama markii Miiran reer Sodolugu eax ka sheego Reyyan inee difaacso reerkeeda bilaaweyso waana qorsho Miiran iyo Reyyan isla ogyihiin si ay Caziiza u qaldaan.

Caziiza ayaa la kulmeyso ninkii sirta ogaa ee habeenkas wixii dhaceen goob joog ahaa waxayna ku amree inuusan waxba sheegin balse Miiran ayaa dhageysanaayo oo meel ku dhuumanaayo Caziiz na waxaa loo sheega in Miiran meesha joogo warkoodana dhageysanaayo kadib Hazar iyo Jihaan ayaa u imaanayaan isla ninkii oo gurigiisa ay heleen waxayna weydiinayaan habeenkaas wuxuu arkay inuu u sheego.

Ninka wuu diida inuu sheego waxba muuqaalka xiga waxaa lagu tusaa Nasuh oo isku dayaayo wiilkiisa Hazar inuu xaqiiqada usheego balse Hazar ma rumeysanaayo oo been ayaa sheege ayuu dhahaa ugu dambeyn Miiran iyo Reyyan ayaa isku fahmayaan inee soo dhameyaan ciyaarte Caziiza la ciyaarayeen.

Miiran, Reyyan iyo Hazar oo isla jiraan ayaa qasriga reer Aslanbey imaanayaan waxuuna Miiran u yeera dadka oodhan oo Caziiza kujirto Miiran waxuu meesha keena ninkii Caziiza la balantay ee ay dhahday sirta ha sheegin iyo waxaad habeenkas aragtay layaab ayee ku noqone Caziiza marke aragto ninkii inuu qiyaanay Miiran na la saftay.

Miiran ayaa ninka kudhahaayo Caziiza qofke tahay dadkaan oodhan usheeg waxuuna ninka dhahaa,”Caziiza waa qof xun oo dulmi badan aniga dhibke iigeysatay halkaas kuma soo koobi karo” kadib Miiran ayaa kor u qeylinaayo isagoo Caziiza indhaha indhaha usaarayo kuna leh “Caziiza Aslanbey waxaa tahay qof xun oo beenley ah mudo badan been waad iiso sheegtay uma qalantid magaca Aslanbey ina wadatid gurigaana aad sii joogto gaariga ku kaxeen lahaa waan kuu diyaariyay si deg deg ah oga bax qasrigan oo alaabtaada qaado.”

Hazar Sodologu iyo dhamaan dadka oodhan wey yaabayaan xili Caziiza ay naxsantahay dhamaad xalqada halkaas ayee kudhamaane gabi ahaanteedaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here