Inaba caadi ma ahan goos gooska laga soo bandhigay xalqada 34-aad waana goos gooskii kowaad halka midka labaad arbaco lasoo bandhigaayo.

Goos gooska ayaa lagu arkay dhacdooyin xiiso leh waxuuna u muuqdaa in sir badan daaha laga qaadi doono xalqada 34-aad hadaba hoos kaga bogo dhacdooyinka goos gooskan:

Waxuu ku bilaawana goos gooska Miiran oo leh,”maya macquul ma ahan ma dhici karto” kadib Hazar oo qeylinaayo ayaa lagu tusaa isagoo leh,”hadaan ogaan lahaa marhore ayaa imaan lahaa xitaa hadaan dhimanaayo oo dhimasho kudhowahay waan imaan lahaa.”

Miiran ayaa hadana lagu tusaa isagoo leh,”isaga sidaas dhan ma sameen karo maya macquul ma ahan” kadib Reyyan ayaa isku dayeeso inee Miiran dajiso waxayna dhahee,”aniga xitaa qalbigeyga wuu kala bur buray (kadib markaan maqlay arinkaan) hadana saas etahay waan kula jiraa oo garabkaada ayaan ahay.”

Miiran ayaa qeylinaayo markee Reyyan sidaa dhahdo waxuuna dhahaa,”waaba mida aan fahmi la’ahay sababta wali iila joogto (adoo ogaatay wax walbo) wey fiicnaan lahed inaan nolosheyda isaga tagto orod iga tag.”

Reyyan ayaa xanaaqeyso waxayna Miiran kudhufane dhirbaaxo aad u kulul kadib waxaa lagu tusaa Hazar oo qeylinaayo sida qof waalan oo kalena udhaqmaayo waxuuna leeyahay,”maya Dilshaah maya, 30 sano kadib maanta ayaa waalan rabaa” xitaa walaalkiis Jihaan oo lascodo waxuu iskudayaa inuu Hazar celiyo oo dajiyo balse Hazar ayaa waali kudhow waxuuna maqlay sir dhagahiisa xamili waayeen.

Ugu dambeyn Miiran ayaa go’aansanaayo inuu is dilo waxuuna dhahaa,”aniga noloshaan kuma noolaan karo dhinasho ayaana iiga roon” Reyyan oo ooyneyso ayaa ugu jawaabeyso,”haddii aan kaa tago oo noloshaada ka fogaado ma noolaan kartaa.”

Miiran ayaa intuu qiiroodo Reyyan habsiinaayo labadooda ayaana isku ooynayaan dhamaad goos gooska halkaas ayuu kudhamaana waa goos goos waali ah Miiran iyo Hazar sirta ay ogaadeen misane sidaan dhan dad waalan ookale ugu dhaqmayaan sir yar ma ahan xalqada 34-aad ayaase lagu ogaan doonnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here