Miisaankiisa wuu dhimay darajadiisa Superstar-nimo meel ayuu iska dhigay si uu filimka Super 30 kaga run sheego

Superstar Hrithik Roshan wuxuu ku mashquulsan yahay duubista filimkiisa Super 30 oo shaqo ahaan gabo gabo ku dhow asigoo juhdi badan galinaayo filimkaan.

Hrithik Roshan filimka Super 30 wuxuu ku matalaa xisaab yahanka Hindiya aadka looga yaqaan Anand Kumar kaasi oo soo kordhiyay barnaamijyo xisaabeed dhanka kumbuyuutarka loo adeegsado oo dowlada Hindiya ka faa’iiday.

Haddaba Hrithik Roshan ayaa laga soo qabtay sawir muujinaayo sida uu miisaankiisa u dhimay sidoo kalena wuxuu meel iska dhigay xarakaadkiisa Super Star-nimo ee lagu yaqiinay asigoo qof caadi ah 100% isaga dhigay.

Filimka Super 30 waxaa Director ka ah Vikas Bahl waxaana la daawan doonaa 25-ka Janaauo 2019 ama maalinta Jamhuuriga Hindiya.