Mira Rajput jaceylkeeda Shahid kama kaftanto ayadoona dhalashadiisa 40aad Dhunkasho hadiyad uga dhigtay

0
1428

Shahid Kapoor waa mid kamid ah jilayaasha sanadahaan dambe wacdaraha dhigayo asigoona filimadiisii ugu dambeeyay sida Padmavat iyo Kabir Singh ay Blockbuster noqdeen.

Hadaba Shahid Kapoor oo kusoo caan baxay filimka jaceylka ee Ishk Vishk ayaa maanta wuxuu u dabaal dagay dhalashadiisa 40aad, waxayna xaaskiisa Mira Rajput hadiyad uga dhigtay dhunkasho.

Mira ayaana barteeda Instagramka soo dhigtay sawir ay dhunkaneyso Shahid Kapoor ayadoona kusoo dul qortay; “Waxaan jeclahay inaan marwalba waqti kula qaato, dhalasho wacan jaceylkii nolosheydow, xikmad walba iyo xiliga aan dhibta ku jiro, nasiib baan ku leeyahay waayo adiga (wax xumaan ah) ma aragtid, adigana nasiib ayaad ku leedahay waayo aniga kuma tuso (xumaantaas) waan ku jeclahay gacaliye”.

Dhanka shaqada Shahid Kapoor ayaa filimkiisa xiga wuxuu noqon doonaa filimka Jersey kaasoo la daawan doono 5ta bisha November 2021da.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here