Inaba caadi ma ahan dhacdooyinka cajiibka ahaa ee laga soo bandhigay xalay xalqadii 31aad ee taxanaha Hercai hadaba halkaan kaga bogo.

-Taxanaha ayaa ka bilowday Hazar oo qasriga dib ugu laabtay waxaana soo dhaweyn doono dadka qasriga kunool oo dhan.

Hazar ayaa u sheegaayo in aargoosigii Miran uu gabi ahaanba soo dhamaaday maadaama uu Miran farta la saaray warqadii ay Dilshaah usoo qortay.

Waxaa lagu tusaa Iiliif oo ay murug ka muuqato iyo Xaniifa oo sidii qof guuleystay oo kale u dabaal dageyso.

-Miran ayaydiisa Shakraan qasriga ayay dib ugu laabanee waxaana soo dhaweyneyso Reyyan, ayadoo Reyyan ay Miran kawarsaneyso balse shakraan ayaa Reyyan weydiineyso hadii ay tahay Hazar gabadhiisa waxayna Reyyan ku jawaabee haa gabadhiisa ayaan ahay.

Balse Shakraan markii ay hadalka Reyyan maqan ayaa waxaa kasoo hari doono yaab iyo amankaag.

-Hazar ayaa la xisaabtami doono Yaariin falkii ah fashay owgiis kadib dhambaalkii ay qarisay inkastoo ay iski dayayso in marnarsiiyo raadiso balse Hazar ma aaminaayo.

-Miran wali wuxuu la shooksanyahay falkii uu dhawaan ogaaday, asigoona ay siweyn ugu adkaaneyso inuu rumeysto.

-Miran wuxuu warqadii hordhigaa Caziiza asigoona sharaxaad uga fadhiyo balse Caziiza ayaa isku dayayso in marmarsiiyo kale raadiso balse toogtaan cid ka yeeleyso malahan.

-Reyyan waxay garab istaagee jaceylkeeda Miran si uu ula tacaalo xaalada adag ee uu ku dhex jiro.

-Haaruun ayaa u hanjabi doono Yaariin asigoona i keenaayo taajkii arooska iyo ubax, wuxuuna ku amraa in taajka ku labisato kadibna sawiro iska soo qaado una soo dirto asiga sawiradaas.

-Yaariin waxay arinta kaga ashtakoonee waalidkeeda balse waalidkeeda ma aaminaayaan ileen beentaada hore runtaada dambe ay u darantahee.

-Baxar weyn, Reyyan iyo Miran ayaa qabtay Xaniifa taasoo Caziiza lasoo kulantay waxaana la ogaanaa in Caziiza iyo Xaniifa qarsoodi u kulmaan.

-Xaniifa ayaa u sheegeyso Miran iyo Reyyan in Caziiza lacag darteed ula kulantay wax kalana aysan ka dhaxeynin waxay kaloo u sheegee in Caziiza ka dambeyso dabkii ka kacay guriga beerta.

-Muuqaal Flash Back ayaa lagugu tusaa in Haaruun uu Xaniifa u sheegay in Miran iyo Reyyan arinteeda ogaadeen misna banaanka ku sugayaan sidaas owgeed ay u sheegto in dabkii kacay Caziiza ka dambeyso.

-Caadi ma ahan Suldana geesinimada ay toogtaan iska raadin doonto ayadoona Caziiza dhiiqo lugaha u galin doonto maadaama si cad po qayaxan Miran ugu sheegeyso in warqada uu gacanta ku haayo xaqiiqo tahay sidoo kalana Miran hooyadiisa dilshaah qasab lagu guuriyay jirdilna loo geysan jiray.

-Furaat wuxuu wajihi doonaa hooyadiisa Asmaa waxayna u sheegee in Hazar iyo Dilshaah is jeclaan jireen.

-Furaat siweyn ayuu u caroonaa asigoona hooyadiisa ku qeylinaayo sidee u aamustay ayadoo xaqiiqdaan og wuxuuna Go’aansanaa in miran u tago una sheego.

-Asmaa ayaa ka codsaneyso wiilkeeda inuusan Miran u sheegin si uusan Miran hooyadiisa ugu maleynin naag xun oon cafiifad aheyn.

-Miran, Hazar, Shakraan iyo Reyyan ayaa siwadajir ah halmar uwada fariisanaayo waxaana sheekeynaayo Hazar.

-Hazar ayaa Miran u sheegaayo in markii uu ciidanka kasoo laabtay uu ogaaday in Dilshaah lagu daray Maxamed Aslan Bey isla markaasna ay jiraan dhambaalo badan oo ay hooyadiis Dilshaah usoo dirtay asiga.

-Miran ayaa ka dalbanaayo hazar dhambaaladaas kale inuu tusiyo balse Hazar ayaa u sheegaayo in boorasadii ay ku jireen lala xaday lacag guriga taalay.

-Miran am rumeysanaayo Hazar markale wuxuuna Hazar ku dhahaa: ” Warqadaan waxay cadeyn u tahay kaliya beentii ay ayaydey sheegtay balse cadeyn uma ahan inaad adiga dilin hooyadey iyo aabahey”.

-Reyyan waxaa layaab ku noqonaayo Miran ayadoona habdhaqankiisa siweyn uga caroon doonto markaan waxayna ku dhahee imisa xaqiiq ayaan kusoo hordhignay adigoo waxaas oo xaqiiqo ah arkay sidee wali ku aamini la’dahay??”.

-Reyyan waxay siweyn u canaanee Miran wayna ku saxantahay maadaama Muran uu noqday jamal aysan waxba galin.

-Nasuh wuxuu Yuusuf u sheegaa inuu ka cabsanaayo in Hazar ogaado wixii uu waa hore sameeyay waxaana ogaanee in nasuh uusan shakhsi fiican aheyn marnaba.

-Inaba caadi ma ahan Furaat iyo Miran markii ay is wajahaan xili uu furaat isku dayaayo inuu Miran xaqiiqda tuso macquulna ay tahay in hazar iyo Dilshaah is jeclaayeen.

-Balse Miran ma doonayo inuu warkaas dhageysto sidaas owgeed asiga iyo Furaat gacmaha ayay iskula tagi doonaan ayagoo waliba feer isla dhici doonaan ilaa ay dhiig iska daadiyaan.

-Nasuuh wuxuu rabaa in xaflad aroos u dhigi Azaad iyo Iiliif balse Iiliif habeenki xaflada ayaa qof qolkeeda ugu soo galaa kadibna qasriga reer Sadoglu ayayba kasoo cararee

-Miran ayaa balansanaayo Hazar wuxuuna u sheegaa in hadii ay dhab katahay arinkiisa haatan kadib siwadajir u baaraan kiiskaan ilaa xaqiiqda cad ay ka ogaanayaan oo cadeymo ka helayaan.

-Miran wuxuu kaloo hazar ku dhahaa Reyyan iyo dadka kale oo dhan ma ogaanayaan arinkaan waxay u maleyn doonaan inaan cadow isku nahay balse aniga iyo adiga si qarsoodi ayaan u howl galeynaa oo arinta u baareynaa ma aqbaleysaa midaas?

-Hazar wuxuu miran weydiinaa dadka kale waan gartaa maxay tahay sababta Reyyan looga qarinaayo wuxuuna Miran ku jawaabaa waayo ma rabo in Reyyan rajo been ah siiyo oo aan hada ka dhaho aargoosigii waan ka tanaasulay sidaas owgeed ilaa xaqiiqda ay ka cadaaneyso qofna ma ogaanaayo.

Hazar ayaa aqbalaayo dalabka Miran wiil iyo aabihiis oo ugu dambeyn midoobay si ay xaqiiqda uga soo sal gaaraan.

Dhamaad xalqada ayaa halkaas ku go’eyso.

FG; Qoraalka inaad akhrineysay hadaad la kulantay eror Typing fadlan hala ii cudur daaro boobsiis ayaan ku qoray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here