Waxaan marnaba la dafiri karin qaab jiliinka cajiibka ay jilayaasha Akin Akinozu iyo Ebru Sahin kusoo bandhigeen taxanaha Hercai ayagoona doorarkooda Miran iyo Reyyan siweyn uga run sheegeen.

Jaceylka Miran iyo Reyyan waa mid cajiib leh waayo Miran wuxuu jecelyahay cadowgiisa koowaad misna waalidkiisa dilay gabadhii uu dhalay asigoona qaab waali u jeclaanayo misna darteed qoyskiisa iyo qoyskeedaba u wajahaayo.

Dhanka kale Reyyan ayadana waxay jaceyl waali u qaadeen ninkii sharafkeeda iyo midka qoyskeedaba dhaawacay sidoo kalana magaalada oo dhan ku fadeexeeyay ahna cadowga koobaad ee aabaheeda ayadoona dartiis qoyskeeda uga soo tageyso misna cadowgeeda Caziiza ula noolaaneyso.

Waa caqabado la isku dili karo waaqic ahaan balse lamaanahaan ayaa jaceylkooda wax walba ka tanbadinaayo heer ay gaaraan in midkasta go’aamada qoyskiisa kahor yimaado xitaa Miran ayaa aargoosigiisa Reyyan darteed u hakinaayo misna bilaabayo inuu markii ugu horeeyay ayaydiis ka shakiyo iyo in xaqiiqda raadin ugu dhaqaaqo.

Hadaba soo lama dhihi karo jacelkii Miran iyo Reyyan wuxuu daawo u noqon doonaa colaada ka dhex aloosan labada qoys ee Reer Sadoglu iyo Reer Aslan Bey??

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here