Miran ma dhintay mise waa noolyahay iyo goosgooska 2aad ee xalqada 13aad taxanaha Hercai oo lasoo saaray.

0
4610

Waxaa daqiiqado kahor lasoo daayay goosgooska 2aad ee xalqada 13aad taxanaha Hercai waxyaabaha xiisaha leh ee lagu soo bandhigayna waxaa kamid ah.

-Reyyan oo Miran ku dhaheyso waxaad doontid sameey lkn wixii dhacay ima ilowsiin kartid balse ma doonayo inaan noolaado halka qeyb aniga iga mid ah ay ka qoomameyneyso iney ku weyso, Reyyan ayaana markaas hab siineyso Miran.

-Miran ayaa ugu jawaabayo waxaan sameyn doonaa waxkasta si aan kuu ilowsiiyo wixii hore u dhacay.

-dhanka kale Nasuh wuxuu qaadan doonaa talaabo dhiig ku daadan doono taasoona ah in Miran iyo Azad labadaba la dilo waana qorshe ay isla ogyihiin Aziza sida goosgooska ka cad.

-Reyyan waxay dooneysaa iney I aragto xitaa hadaan ogahay inaan dhimanaayo waan u tagi doonaa sidaas waxaa Reyyan aabaheed Haazaar ku dhahaayo Miran.

-MIran ayaa soo aadi doono dhanka guriga Reyyan balse asigo gaarigiisa saaran ayaa xabado lagu furi doonaa.

-Hadaba su’aasha waxay tahay Miran ma dhiman doonaa?

-Aziza qorshahaan wax maka ogtahay mana ku qanacsantahay dhimashada Miran?

-Azad xaalkiisa xaguu ku dambeyn doonaa marba hadii Miran xabado lagu furay?

-Reyyan maxay sameyn doontaa?

Dhamaan jawaabahaaas iyo kuwa kalaba xalqada 13aad ayaad kaga bogan kartaan oo soo gali doonta jimcaha soo socdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here