Miran ma guursan doonaa Reyyan? Sidee labada qoys ku aqbali doonaan iyo goosgooska xalqada 14aad oo lasoo daayay.

1
1883

Waxaa daqiiqado kahor lasoo daayay goosgooska labaad ee taxanaha Hercai xalqadiisa 14aad halkaan kaga bogo.

-adiga waxaad tahay saaxiibka jidkeyga waxaana jidkaas ugu soconaa sidaan janada ugu soconaayo oo kale ilin kasta oo kaa imaadana waxay noqon doontaa mid farxadeed sidaas waxaa Reyyan ku dhahaayo Miran.

-dhanka kale labada walaalo ee Hazar iyo Jiihaan si foolxun ayay uga dhex tafatay waayo Jiihaan maadaama nolosha wiilkiisa halis ku jirto badbaadintiisa waxkasta ayuu u sameynaa.

-Jihaan wuxuu Hazar ku dhahaa; aniga ma doonayo in Reyyan dhimato balse haduu mowduuca wiilkeyga Azaad yahay ma aqaano Reyyan iyo Miran midna.

-Balse Hazar ayaa ugu jawaabayo ku duceyso waxa dhacaayo inaadan lug ku lahaanin.

-Dhanka kale Aziza wey ogolaaneysaa guurka Reyyan iyo Miran waayo qorshaha ay wadato ayaa kaweyn.

-Reyyan hooyadeed waxay diyaar u tahay wax walba oo gabadheeda ku badbaadi karto.

-Hazar marnaba ma ogolaanayo guurka Reyyan iyo Miiraan si adag ayuuna uga hor imaanaa.

-Miran wuxuu wajahayaa ayaydiis Aziza wuxuuna u sheegaa in guri gooni ah la dagaayo Reyyan balse Aziza ayaa isku dayayso iney celiso.

-Jawaabta Miran uu Aziza siinaayo ayaana noqoneyso; “hadii Reyyan kahadalkeeda joojin weysaan guriga kaliya kama tagaayo ee noloshiinana waan ka baxaa”.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here