Miran oo aabihiis Hazar dilay Caziza oo magaalada isaga guurtay iyo dhacdooyinka xiisaha leh ee xalqada 19aad taxanaha Hercai.

2
7225

Inaba caadi ma aheyn xiisaha ay laheyd xalqadii 19aad ee taxanaha Hercai taasoo habeen hore laga sii daayay kanaalka ATV.

Xalqada oo aad u dheereyd sidoo kalana aheyd 2 saacadood iyo 50 daqiiqo ayaa noqotay xalqadii ugu dheereyd dhamaan xalqooyinka taxanahaan iyo guud ahaan taxanayaasha turkida ee sanadkaan 2019ka la daawaday.

Xalqada 19aad waxbadan ayay ka duwaneyd xalqooyinkii hore waxayna aheyd xalqo dareenkaaga si toos ah u taabaneyso dhamaadka xalqadana murug iyo tiiraanyo badana kugu reebi doonto.

Hadaba halkaan kaga bogo dhacdooyinkii ugu xiisaha badnaa xalqadii shalay;

-xalqada ayaa ka bilaabatay meeshii ay ku dhamaatay midi hore iyadoona lagu tusi doono Flash Back ku saabsan qaabkii uu Miran ku ogaaday dhagartii ay ayaydiis Aziiza la maaganeyd Azaad iyo Reyyan.

-Asma waa qofka caawiyay Miran isla markaasna u sheegay shirqoolka Aziiza.

-Aziiza ayaa markii dambi cad lagu qabto calaacali doonto isla markaasna Miran ku beer laxowsaneyso in waxaan dhan u sameysay asiga dartiis maadaama ay dareentay in gacanteeda kasii baxaayo cadowgeedana uu la safanyahay.

-Miran waxaa saameyn ku yeelan doono falka ay ayaydiis ku kacday wuxuuna daris la noqon doonaa murug joogto ah asigoona soo xusuusan doono ayaydiis iyo sidii ay usoo korisay.

-Hazar wuxuu ogaan doonaa wixii ay Aziiza fashay waxaana u sheegaayo Azaad asigoona u cabsan doono Reyyan wuxuuna ka baqaa in Aziiza disho sidaas darteed wuxuu go’aansanaa in Reyyan uu guriga reer Aslan Bey kasoo wado.

-Hazar ayaa soo wacayo Reyyan una sheegaayo inuu usoo socdo balse Reyyan ayaa ka codsaneyso aabaheed inuusan guriga Imaanin taas badalkeedana ay iyada u imaan doonto.

-Hazar iyo Reyyan markee kulmaan Reyyan wey ka diidee in aabaheeda raacdo iyadoona ku dhaheyso ii ogolow in Miran aan bohoshaas kasoo badbaadiyo balse markii Hazar uu ku adkeeyo waxay dhahee hadii Dilshaah (Miran hooyadiis) ahaan laheyd qofka qasrigaas joogo ma uga soo tagi laheyd? Hadaba ana ha I celinin Miran meeshaas ugama tagi karo.

-Reyyan markii ay u tagto Miran waxay ka codsanee in aabaheeda halmar uu la kulmo si uu xaqiiqda uga dhageysto balse Miran ayaa xanaaqayo wuxuuna Reyyan u sheegaa in aabaheed soo sumeeyay.

-Miran oo xanaaqsan ayaa guriga reer Sadogulu imaanayo iaygoo isku diyaarinayo in qasrigoodii hore dib ugu guuraan wuxuuna qarxinaa sirta ka dambeyso cadaawada labada qoys ee ah in Hazar uu jeclaa Miran hooyadiisa iyadoo xaas ahna uu ka daba socon jiray isla markaasna uu Hazar dilay hooyadiis iyo aabihiis.

-Miran intaas kuma ekaanyo wuxuu ku hanjabaa hadii Hazar arinkaan ka harin inuu iloobi doono inuu yahay Reyyan iyo Gol aabahood isla markaasna uu dili doono wuuna iska tagfaa.

-Reer Sadoglu waxaa ka dhex bilaabanaayo muran iyo is qabqabsi la xiriirta sababta sirtaan looga qariyay gaar ahaan Jiihaan oo horay uga careysnaa in aabihiis Nasuh uu Hazar ka jecelyahay in sirtaan laga qariyayna aad ayuu uga sii xumaanaa waana muuqaal dareen leh.

-Jihan iyo Haandaan waxay Azaad ku qalqaalinayaan inuu guursado Iiliif waxayna dhahayaan hada go’aan ha gaarin kasoo fikir.

-Hazar ayaa la kulmaayo Asmaa wuxuuna ka codsanaa in ay ka caawiso sidii Miran xaqiiqda loogu sheegi lahaa.

-Balse Furaat ayaa ogaanayo kulanka Asmaa iyo Hazar inkastoo Asmaa ay Furaat u sheegeyso in kulanka uu ahaa kaliya mid ay kaga hadlayeen Reyyan isla markaasna iyada iyo Haazaar horay isku yaqaaneen.

-Asmaa waxay gacanta ku heysaa labo warqadood mid waa warqad jaceyl oo ay Dilshaah u qortay Hazar mida kalana isla Dilshaah ayaa qortay  balse waxaa ku qoran in Miran uu dhalay Hazar.

-Inta waxaas dhacayaan oo dhan Aziiza waa maqantahay meel ay aadayna lama yaqaano balse markii dambe waxay la kulmee Xaniifa waxayna u sheegee iney dib u laabaneyso iyadoona qasriga imaaneyso.

-Hazar waxaa soo wacaayo dambi baarihii uu u dirsaday inuu soo ogaado dadkii baabuurka Miran weerary isla markaasna Reyyan afduubtay wuxuuna u sheegaa in ninkii Miran ka baxsaday ay gacanta ku haayaan.

-Hazar ayaa ninka usoo kaxeynaayo qasriga reer Aslan Bey maadaama ninka uu sheegay in Aziiza soo kireysatay balse markii qasriga la imaado ayuu inkiraa wuxuuna sheegaa in Hazar qoyskiisa afduubtay arinkaana ku qasbay.

-Arinta layaabka leh ayaa waxay tahay in ninka Aziiza ka codsanaayo iney badbaadiso balse intuu ku dhago ayuu si aan la arki Karin warqad hoos ugu dhiibaa waana warqad lamid ah midi Reyyan loogu soo dhiibay balse toogtaan waa la badbaadinaa oo cadowga aan la aqoon ayaa ka badbaadinaayo in Miran ogaado iney iyada ka dambeysay weerarkii gurigiisa lagu qaaday.

-Aziiza waxay is weydiinee muxuu yahay cadowgaan marna ku shirqoolayo marna ku badbaadinayo gaariga ayayna soo qaadanee si ay uga soo sal gaarto balse waxaa loosoo sheegaa in Miran gadaasheeda soo socdo kuna raad joogo.

-Aziiza ayaa kaartadeeda badaleyso waxayna u jiheysanee qabriga Miran hooyadiis iyo aabihiis iyadoona qabriga ku dul barooraneyso balse ujeedkeeda yahay in Miran iska gado.

-Miran ayaa la murugoonayo ayaydiisa asigoona jiliinkeeda run u maleynaayo wuxuuna go’aansanaa inu cafiyo.

-Asmaa waxay la kulmee Hazar markale waxayna u dhiibee labadii warqadood mid kamid ah balse lama oga midey tahay hadii ay tahay midi sheegeysay Miran inuu dhalay iyo hadii kalaba.

-Hazar ayaa go’aansanaayo inuu Miran la kulmo wuxuuna soo aadaa guriga Miran.

-Aziiza boorsadeeda waa xirxiratay waxayna u laabatay gurigeedii hore khalaas.

-Miran ayaa ogaanayo in ayaydiisa guurtay wuxuuna damcaa inuu dib usoo celiyo balse Reyyan ayaa hor istaageyso ayadoo labadoodana goobta uu muran badan ku dhex maraayo.

-Miran ayaa kasoo tagaayo Reyyan wuxuuna soo aadaa banaanka qasriga balse maxaa dhacay?

-Reyyan ayaa qolkeeda kasoo baxeyso waxayna arkee aabaheed Hazar oo sidii meyd dhulka yaalo dhiigana ka burqanaayo waxaana kor taagan Miran iyadoona bistoolada Hazar lagu dhuftay dhulka taalo.

-Khalaas xalqada ayaa halkaas ku go’eyso iyadoona muuqaalka ugu dambeeyo uu yahay mid qaracan ah oo qof qalbi jilicsan indhaha u dhameyn Karin waana muuqaal dareen murug ah leh.

-Waxa ugu fiican ee aad xalqada ku arki doontaan ayaa ah in baashidii ugu horeysay wadaagi doonaan Miran iyo Reyyaan mudo dheer kadib si lamid ahna Aziiza iyo dhagarteeda xalqadaan laga nabad galaayo.

-Hadaba su’aalaha isweydiinta mudan ayaa ah;

=Hazar ma dhintay mise waa noolyahay?

=Miran ma asigaa dilay Hazar mise wax kalaa jira?

=Reyyan maxay fali doontaa markii ay ogaato in Miran aabaheed xabad ku dhuftay amaba dilay?

=Hazar warqada la siiyay tolow waa midee?

=Miyuu ogaaday in Miran wiilkiisa yahay mise waa wali?

=Miran markuu ogaado in hooyadiis Dilshaah dhambaal jaceyl u diri jirtay Hazar muxuu sameyn doonaa.

=Aziiza toos miyay u tagtay mise wey soo laaban doontaa?

=Waa kuma cadowga sadaxaad ee Aziiza laf dhuungashay ku noqday muxuuna damacsanyahay?

Dhamaan arimahaan iyo kuwa kalaba waa waxa loo daawan doono xalqada 20aad oo ah mid holac ah isla markaasna sabtida soo sooto soo bixi doonto.

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here