Waxaa talaado lasoo bandhigay goos gooska kowaad ee xalqada 50aad taxanaha Hercai waana xalqada la daawan doono jimcaha nagusoo foodleh hadaba goos gooska ama hordhaca xalqada inaba caadi ma ahan waa dhacdooyin xiiso leh hoos kaga bogo:

1-Caziiza ayaa u hanjabeyso Fusun Aslanbey waxaana arkeysa Caziiza oo ciro leh iyo Aslan oo goobtii qubuuraha lagu aasayo ama dhinaciisa dhulka loogu dhigaayo Caziizana waxay dooneysa dadka ugu horeyo ee ay ka aargoosaneyso inee kamid dhigto Fusun.

2-Miran ayaa si toos ah u aqbalay aabihiis Hazar waxuuna dhahaa adiga aabahey baad tahay labadooda hab ayee isasiinayaan weyna isku ooynayaan inuu Miran aabihiis aqbalo waxaa fududeysay codkii Dilshah ee cajalada ku duubneed.

3-Reyan ayaa la kulmeyso Mahfuz oo la xiraayo booliskana wadaan waxaana macquul ah in Mahfuuz loo xirayo dilka Mahamud xili uu bad baadinaayey Hazar hadaba Reyan xanaaq ayee aabahed u muujinee isagana waxuu ka codsanaa inuu hab siiyo hal jeer maadama la xiraayo dib dambena loo arki doonin weyna ka ogolaane labadooda oo isku ooynayaan ayuu goos gooska dhamaanaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here