Waxaa lasoo bandhigay hordhaca dhacdooyinka xalqada 28aad ee taxanaha Herca kaasoo meel xiiso badan inoo maraayay hadaba halkaan hoose kaga bogo dhacdooyinka oo kooban.

-Guurka Iiliif iyo Azaad wuxuu dharbaaxo ku noqon doonaa qoyska reer Aslan Bey balse Reer Sadoglu waxay u tahay guul ayadoo Nasuh Sadoglu iyo Jihan labadaba u dabaal dagi doonaan guusha ay gaareen iyo in Caziiza ka aarsadeen.

-Nasuh oo aaminsan in uu ugu dambeyn Caziiza ka guuleystay ayaa ku qanacsan in cayaartii Caziiza u dhamaatay isla markaasna burbur qarka u saarantahay.

-Reyyan waxay taageersantahay guurka Azaad iyo Iiliif waxayna isku dayee in garab walba siiso.

-Iiliif kadib markii ay ninkii ay jecleyd guursatay ma dooneyso iney dib ugu laabato qasrigii reer Sadoglu waana arin shook ku ridi doonto Miran iyo Caziiza.

-Caziiza oo aad uga careysan gabi ahaanba sida ay wax u socdaan ayaa Miran iyo Reyyan ku eedeyneyso in ayaga sabab u yihiin waxa dhacay

-Caziiza jixin jix ma taqaano mana hakan doonto waxayna xaalada taagan u adeegsan doontaa sidii ay Miran u kasban laheyd maadaama reer Sadoglu aargoosi bilaabeen.

-Miran dhan ayaydiis iyo xaalada taagan ayaa ka heysto dhanka kalana Reyyan oo dooneyso iney ku qanciso guurka Azaad iyo Iiliif, wuxuuna qarka u saaranyahay inuu qaato go’aan adag sidaas owgeed Miran gabadha uu jecelyahay miyuu la jaanqaadi doonaa oo guurka Iiliif ayuu taageeri doonaa mise Shirqoolka Caziiza ee aargoosiga ayuu markale ku dhici doonaa??

Xalqada waxaa lasoo deyn doonaa habeen dambe hadii Alle yiraahdo waxaana ayadoo Soomaali ah heli doontaan maalinta isniinta insha’allaah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here