Miran oo dabin ku dhacay misna Reyyan furay, Gonul Iiliif Suldana iyo Asmaa oo la musaafurinaayo iyo dhacdooyinka xiisaha leh ee xalqada 25aad taxanaha Hercai

0
11597

-Xalqada ayaa ka bilaabatay halkii ay qeybtii hore ku dhamaatay kadib markii Reyyan ay Miran khiyaanoole dhagar badne ku tilmaanto arinkaasoo Miran aad uga xanaajisay in Reyyan uu darteed qoyskiisa xitaa uga horyimid jaceyl xad-dhaafna u qabo ay fikradaas ka qabto.

-Miran ayaa Reyyan ku dhahaayo hadiiba aad sidaas ii maleyso wax aan kuugu jawaabo ma jiraan wuxuuna isaga soo tagaa goobtii asigoona aad u careysan sidoo kalana Iiliif ayuu horay usii wadaa.

-Hazar wuxuu gabadhiisa u sheegaa in Miran bari yahay dhaawacana uusan asiga u geysan wuxuuna ka codsanaa in Miran ka daba tagto cafisna ka dalbato.

-Caziiza waxaa soo waceyso Xaniifa waxayna u sheegee in Iiiliif ay guriga reer Aslan Bey joogto isla markaasna wixii dhacay ayay u sheegee.

-Caziiza waali ayaa kusoo dageyso waxayna isugu wacee Furaat iyo Maxamuud si ay Iiliif loosoo wado waxayna ka baqee in Reer Sadoglu dhibaato u geystaan.

-Reyyan waxay kasoo daba cararee Miran waxayna ka codsanee inuu cafiyo ayadoona ka raali galineyso khaladkii ay ku sameysay iyo hadalkii xanafta lahaa ay dhahday lkn Miran dhag jalaq uma siinaayo.

-Miran iyo Reyyan oo isku dhagan Iiiliifna la socoto waxaa goobta imaanayo Furaat wuxuuna Miran Iiiliif ku wareejinaa Furaat si uu guriga u geeyo asigana wuu iska baxaa halka Reyyan ay ka daba carareyso.

-Caziza ayaa goobta soo gaareyso waxayna ku qeylinee Iiiliif sidee fal nuucaan ah ugu kici kartaa kawaran hadii reer Sadoglu ku dilaan iwm hadalo noocaas ayay dhahee waxaana hadaladeeda maqlaayo qoyska reer Aslan Bey.

-Nasuh ayaa siku dayaayo inuu soo baxo balse waxaa celinaayo Jihan wuxuuna ku dhahaa aniga igu daa toogtaan wuxuuna Jihan u imaanaa Caziiza balse waxaa biskoolad ula soo baxaayo Furaat hase yeeshee Jihan ayaa biskoolada ka dafaayo Furaat wuxuuna ku qabanaa Caziiza.

-Mahamuud oo meesha joogay ayaa isna biskoolad ku qabanaayo Jihan waxaana meesha ka dhaceyso hanjabaad ayadoo Jihaan uu u sheegaayo Caziiza in asiga uusan lamid aheyn aabihiisa Nasuh iyo walaalkiisa Hazar hal hadalna uusan 10 jeer ugu soo celin doonin oo hadii ay baabkiisa soo gasho uu kala gaban doonin xabada amaba qaab kale u xanuujin doono asigoona ula jeedo in Iiliif u guurin doono Azaad.

-Caziiza oo yaaban ayaa iyadana dhankeeda hanjabaad kasoo rideyso balse waxaa goobta imaanayo Nasuh oo asigana dhankiisa ka hanjabaayo.

-is qabqabsi kadib Jiihaan ayaa biskoolada u gacantiisa ku qabtay u taagayo Furaat balse Caziiza ayaa gacanta usoo taaganeyso si ay u qabsato hase yeeshee Jiihaan ayaa dhahaayo aniga nacas ma ihi wuxuuna biskoolada ka tirtiraa basmaadka gacantiisa si aysan Caziiza ugu dhigin shirqool lamid ah midkii ay wiilkiisa ugu dhigtay kadibna wuxuu biskoolada ku wareejinaa Furaat.

-Reyyan wali waxay daba ordeysaa Miran balse Miran ayaa Reyyan u sheegaayo in ay isaga harto wax walbana soo dhamaadeen haatan.

-Caziiza waxay Iiliif keenee guriga ayadoo waliba aad u careysan balse Gonul iyo Suldana ayaa isku dayaayo in Iiliif ka qabtaan Caziiza waxaana meesha ka dhacaayo is qabqabsi kale.

-Caziiza markii ay xaalka aragto waxay go’aansanee in Iiliif iyo Gonul dalka dibadiisa u dirto si mashaakil aysan ugu keenin waxayna ka cabsanee in Iiliif ku dhacdo wixii Reyyan ku dhacay oo kale sidaas ayayna u go’aansanee in diabada ugu dirto.

-Suldana ayaa go’aanka Caziiza kahor imaaneyso waxayna u sheegee  in aysan raali uga aheyn in gabadheeda ay meeshe ka dirto balse jawaabta Caziiza ayaaa waxay noqonee hadii aadan raali ka aheyn adigana waad raaci kartaa.

-sidoo kale Caziiza waxay u sheegee Asmaa in ay is diyaariso iyadana waxay raaceysaa Iiliif iyo Gonul balse waxaa arinta kahor imaanayo Furaat wuxuuna u sheegaa in  uusan raali ka aheyn in hooyadiisa laga masaafuriyo hase yeeshee Caziiza ayaa go’aankeeda ku adkeysaneyso kaasoo ah in Gonul iyo Iiliif dibada loo diro Asmaana ay raaci doonto.

-Haazaar wuxuu walalkiisa Jihan ka codsanaa inuu caawiyo si uu ula kulmo Miran wuxuuna kula kulmaa hotelkiisa asigoona ka codsanaayo in Reyyan iska cafiyo khaladkana uu asiga galay.

-Zahra waxay Asmaa ka codsanee iney kulmaan markii ay kulmaana waxay ka codsanee ineysan Hazar soo wicin balse ayada waqti siiso waayo hadii Miran uu ogaado inuu yahay Hazar wiilkiisa waxaa qasab ah in Reyyan ayadana ogaato in Hazar uusan dhalin sidaas owgeed ay waqti siiso intii xaalada xoogaa ka dageyso Asmaa wa aqbalee arinkaas.

-Yaariin doqonimadeeda wali Reyyan ayay daba taagantahay balse toogtaan waxaa hadalkeeda maqlaayo Nasuh kaasoo caro hor leh usii qaadaayo wuxuuna ku kala jiidaa bahal dharbaaxo ah xili hooyadeed iyo aabaheeda goobta joogaan.

-Nasuh wuxuu u sheegaa Jihan iyo Haandaan in Yaariin ay mudo 3 maalmood kaliya ay heystaan si ay nin guursado ugu soo raadiyaan Yaariin maalinta afaraadna uu guriga ka burin doono haduu kusii arko.

-Jiihaan wuxuu Yaariin kusoo xiraa qolkeeda wuxuuna u sheegaa in Yaariin aanan wax cunto ah loo geyni Karin albaabkana laga furi Karin mudadaas sadaxda maalmood ayadoon asiga amar laga heysan.

-Miranwaxaa soo gaarayo Post warqad furiin ah oo ka timid Reyyan waxaana ku qoran saxiixa Reyyan waxayna arinkaas Miran ku noqonee layaab.

-Reyyan waxay imaanee guriga Reer Aslan Bey iyadoo Miran raadineyso waxayna la kulmee Gonul waxaana meesha kasoo bixi doono wajigii dhabta ahaa ee u qarsanaa Gonul.

Reyyan waxay la kulmee Furaat waxayna ka codsanee inuu ka caawiyo sidii ay Miran ula kulmi laheyd wuxuuna Furaat Reyyan u geynaa Miran.

-Miran ma doonayo inuu Reyyan la hadlo wuxuuna u sheegaa in meesha isaga tagto wixii horana soo dhamaadeen asigoona banaanka usoo bixinaayo.

-Reyyan ma baxeyso waxayna baaqi kusii ahaanee albaabka balse Miran ayaa soo wadaayp waxayna Reyyan moodaa in qasriga reer Aslan Bey loo wado balse Miran midka reer Sadoglu ayuu keenaa.

-Miran wuxuu Reyyan u sheegaa in gurigooda midkaan yahay wuxuuna soo bixinaa warqadii furiinka ee saxiixneed asigoona saxiixaayo wuxuuna u sheegaa Reyyan in furiinkii ay rabtay dhacay taasoo layaab ku noqoneyso Reyyan.

-Reyyan ma oga cida warqada magaceeda ku saxiixday balse Miran oo careysan misna warqadii furiinka farta ka saaray ayaa goobta isaga tagaayo.

-Reyyan oo careysan ayaa hooyadeed u tageyso waxayna hooyadeed iyo aabaheeda ku tuhmee in iyaga Miran u geeyeen warqada furiinka.

-Warqada furiinka waxaa saxiixday oo Miran u dhiibtay Yaariin xili ay caawinaad ka heshay Shaheryaar.

-Zahra waxay soo xasuusanee in habeenkii ay aragtay Yaariin oo kasoo baxeyso qolka Reyyan ayadoo aad u xanaaqsan ayayna Yaariin u tagee waxayna ku kala jiidee bahal dharbaaxsho ah ayadoona u raacineyso Zahrada miskiinta aheyd ee ilmaheeda inta la dulmiyay iska aamuseysay meesha ma joogto hada kadib xisaabtan ayaa naga dhaxeyso ku tasho.

-Waa dharbaaxshadii labaad ee Yaariin ku dhacdo isla xalqadaan gudaheeda waxaana moodaa in la isku sheegay doqonimadeeda ayadoo qofkastana bahal dharbaaxo siku dhaafinaayo.

-Caziiza ayaa waxay qabanee Shahreyaar oo Yaariintelka kula hadleyso waxayna kusii deynee bahal dharbaaxo ah ayadoona madaxa inta kasoo jiido barxada qasriga kusoo tuureyso waxaana isku soo baxaayo Reer Aslan Bey.

-Caziiza ayaa markaas u sheegeyso in Shahreyaar ay tahay jaasuusad u shaqeyso qoyska reer Sadoglu waxayna Asmaa u sheegee in madaxeeda ku cafineyso balse aysan magaaladaan dambe xitaa ku arki doonin.

-Caziiza hoos way ka faraxsantahay waxayna hoosta iska dhahee markaan kugu dangaaray ayaan ku buriyay ayadoo aad ugu faraxsan howsha ay shahriyaar qabatay maadaama warqadihii furiinka fududeysay balse waxaa la gaaray xiligii laga takhalusi lahaa qasriga ayaana laga burinaa shahreyaar.

-Miran wuu isaga tagaa deegaanka dhan asigoona u wareegaayo tuuladii hooyadiisa daganeyd .

-Reyyan waxay u tagee waalidkeeda si ay u macsalaameyso waxayna u sheegee in hada kadib gurigeeda uu yahay meesha uu Miran joogo sidaas owgeed aysan isku dayin iney celiyaan waxayna soo aadee si Miran u baadi goobto.

-Reyyan waxay soo aadee tuuladii Miran hooyadiisa waxayna goobta ugu imaanee Miran ayadoo cafis weydiisaneyso balse Miran si cad ayuu wuxuu Reyyan ugu dhahaa in xiriirkooda gabi ahaanba burburay.

-Xili Reyyan Miran baryayso asigana uu diidanyahay ayaa waxaa hadleyso duqdii meesha joogtay waxayna Miran ku dhahee adiga Dilshaah wiilkeeda ma tihid adiga Miran ma tihid waayo waa msutaxiil in Miran uu sidaas u dhaqmo.

-Miran ayaa duqda ku dhahaayo adiga maxaa ku ogeysiiyay waxaan ahay maxaadna ka taqaanaa hooyadey? Hadii aad in mudo ah la nooleyd ma waxaad u maleysay in wax walba ogtahay adiga waxba ma ogid anigana wali ma aaminin hadaladaada waayo qof lasoo dirsaday inaa tahay xitaa lama socdo.

-Miran markuu saas dhaho ayay duqdii ugu jawaabee aniga wax walba ayaan ogahay waayo aniga waxaan ahay ayaydaa hooyadaa dhashay….

Khalaas xalqada ayaa halkaas ku go’eyso xili Miran iyo Reyyan ay yaabanyihiin.

hoos ka daawo xalqada oo muuqaal ah:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here