Waxaa dhawaan lasoo bandhigay goos gooska labaad ee xalqada 31aad taasoo meel xiiso leh mareyso waxaana idinka balan qaadnay inaan taxliil yar ku sameyno goos gooska.

-Ugu horeyn sida muuqato Miran mowqifkii uu Hazar ka qaatay wuu kasoo dabcay maadaama goos gooska lagugu tusaayo Miran oo dhageysanaayo Hazar waliba ka dhageysanaayo jaceylkii ka dhaxeeyay asiga iyo hooyadiis Dilshaah iyo sidey wax u dhaceen.

Waxaan wada ogeyn in Miran markii hooyadiis iyo Hazar la isku soo hadal qaado uu dhiiga kici jiray siweyna uga xanaaqi jiray xitaa Reyyan kama uusan ogoleyn balse haatan wuu soo dabcay asigoo waliba sheekadooda dhageysanaayo.

-Miran sidoo kale wuxuu ogaanaa in aabihiis uusan hooyadiis jaceyl u guursan balse qasab loogu daray taasoo ayadana arin kale oo xaasaasi ah inkastoo aabihiisa saxda uu Hazar yahay hadana siduu u maleeyo aabihiisa Mohamed Aslan Bey hooyadiisa qasab ayaa loogu guuriyay taasoo tuhun kale ah waliba ayaydiisa Shakraan ayaa u sheegeyso arinkaas.

Tan ayaa waxay ka dhigantahay ineysan jirin sabab kale oo uu Miran u aamino ayaydiis Caziiza.

-Sirta furaat ogaanayo ayadana waa muhiim waayo Asmaa waxay ogtahay sir aad iyo aad u weyn ayadoona og in Hazar iyo Miran wiil iyo aabihiis yihiin waxayna horay Zehra uga dalbatay in xaqiiqsa u sheegto Hazar si uu wiilkiisa u badbaadsado balse taasi ma aysan dhicin.

Hadaba sirta Furaat ogaaday maxay tahay tolow? Ma wuxuu ogaaday jaceylka Hazar iyo Dilshaah ka dhaxeyn jiray mise sheekada intaas wey ka xoogantahay oo wuxuu ogaaday in Hazar dhalay Miran??

Waa arin is weydiin u baahan waxayna kala cadaan doontaa xalqada 31aad markii lasoo bandhigo.

-Ugu dambeyn Caziiza wax walba waxay ku waday caqligeeda balse howshii oo dhan waxaa qasay qalbiga Reyyan.

Qalbiga Reyyan ee jaceylka Miran ka buuxo wuxuu sabab u noqday in caqligii ay Caziiza ku waday Miran isla markaasna mudo 27 sano xiqdi iyo cadaawad ugu beereysay soo dabciso misna jaceyl ku abuurto xaqiiqdana tusto.

Hadaba akhristow adiga sidee kula tahay fikirkaaga saliimka ah nala wadaag.

Mahadsanidiin.

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here