Waxaa lasoo saaray goosgooskii xalqada 23aad ee taxanaha Hercai kaasoo meel xiiso leh maraayo waxaana halkaan idiin kuugu soo gudbin doonaa dhamaan dhacdooyinkii nalagu tusay goosgooska cusub

-Goos gooska ayaa ku bilaabanaayo Caziizo oo dhaheyso maxay tahay sheekada warqadaan la sheegaay? Waxayna u badantahay in caziiza maqashay dhambaalkii Hazar ay u qortay Dilshaah waana arin halis keeni karto waayo hadee Caziizo maqasho wax walba ayay u sameynee sidey uga hortagi laheyd.

-Kadib waxaa lagu tusinaa Reyyan oo wax raadineyso iyadoo leh boorsadii aabahey dharka ugu jireen macal dharkiisa waa maqanyihiin waxaana qolka ugu soo galeyso Yaariin.

-Reyyan ayaana Yaariin weydiineyso boorsada waxaa ku jirtay warqad ee aaway?

-Kadib yaariin ayaa dhaheyso hadii aadan iloobi laheyn boorsadii hortaada taalay…

-Balse Reyyan ayaa horay uga jawaabeyso aniga kuma dhihin boorso ayaan iloobay.

-Kadib waxaa lagu tusinaa Miran oo Caziiza ku dhahayo Hadii ay sax tahay oo ay warqad nuucaas jirto waxay dadka oo dhan u cadeyni doontaa in Hazar uu yahay nin beenaale ah sabatoo ah waxaan aqaanaa hooyadeey.

-kadib waxaa lagu tusinaa Sultana oo Miran ku dhaheyso kawaran hadii hooyadaa ay cadaabkii ay soo aragtay kaasoo gurigaan ku aragtay kaga magan gashay Hazar?

-Miran ayaa ugu jawaabayo aamus eedo.

-Hase yeeshee Suldana ayaa dhaheyso ma ogeyd siduu wiilkeyga ku dhintay?  Kadibna waxay Miran tusinaa dhaawacyada jirkeeda ku yaalo.

-Xiiso badanaa markuu Azaad qoyskiisa Reer Sadoglu u sheego in Yaariin ay tahay qofkii magaca iyo sharafta reer Sadoglu dhulka la gashay oo ay ogeyd in reer Aslan bey aargoosi u socdaan balse ay aamustay.

-Kadib waxaa xigta dharbaaxo uu soo taagsanaayo oday Nasuh asigoona ku xanaaqayo Yaariin  balse waxaa difaaceyso Reyyan iyadoo dhaheyso sidaas ha sameynin.

-Balse Nasuh ayaa ugu jawaabay in mas’aladaan aysan aheyn mid iyada kaliya u gaar ah balse ay u taalo reer Sadoglu oo dhan.

-Kadib Zahra ayaa lagu tusinaa iyadoo Hazar la hadleyso misna  jeebka warqadii ay ku qorneyd in Miran uu dhalay asiga kasoo bixineyso balse meesha ayuu ku go’ayaa.

Hadaba su’aashu waxay tahay Zahra xaqiiqda ma sheegi doontaa?

Yaariin reerka Malaga ceyrin doonaa?

Miran markuu ogaadp in hooyadiis la silcin jiray muxuu fali doonaa?

Dhamaan su’aalahaan iyo kuwa kalaba xalqada 23aad ayaad kaga bogan doontaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here