Waxaa lasoo bandhigay googooska xalqada 22aad ee taxanaha Hercai waxaana halkaan idiin kuugu soo gudbin doonaa dhamaan dhacdooyinka goosgooska.

-Gooska gooska ayaa ka bilaabanyo Reyyan oo Miran ku leh; Kumaa tahay adiga? Waxaad horay ii dhahday aniga waxba ma sayemin waa laga gudbaa waxaan, sidee ku awooday inaad waxaan nagu sameyso? Nin kaa xun waligey ma arkin.

-Miran oo madaxa heysto misna layaaban hadalka Reyyan ayaa ku jawaabayo; ma waxaad hada rumeysatay inaan aabahaa aniga dhaawacay? Ha iga aamusin ee ii jawaab. –

Jawaabta Reyyan ayaa markaas noqon doonto; Meeshaan isaga tag, bax oo nolosheena kabax. -Miran ayaa markaas isku dayaayo inuu Reyyan dajiyo wuxuuna ku dhahaa ukaadi oo I dhageyso balse Reyyan ayaa ugu jawaabeyso; Bitti oo micnaheeda yahay (wey dhamaatay kuma dhageysanaayo).

Waxaa ku xigi doono Miran oo Reyyan afka ku dhagan kuna dhahaayo; qalbigeyga wuxuu doonayaa inaan dilo balse marnaba ruuxdiisa uma dan laheyn. -Reyyan ayaa markaas ugu jawaabeyso; asiga ayaad u danlaheyd adiga ayaana qaatay warqadii dhambaalka aheyd waayo xaqiiqooyinka oo dhan dhambaalkaas ayay ku qornaayeen” waxaanaiyadoo hadalka dhameynin qolka ugu soo galaayo Azaad.

Waxaa ku xigo muuqaal Nasuh oo xabad madaxa kaga haayo Miran kuna leh; ka aabo ahaan marba hadaad isku dayday inaad wiilkeyga disho ana adigaan ku dilayaa. -Balse Reyyan ayaa isku aadineyso Miran iyadoo Nasuh ku dhaheyso; hadey saas tahay aniga xabada igu dhufo marka hore wax walbana ha dhamaadaan.

Balse waxaa meesha soo galayaan Furaat oo wato ciidankii reer Aslan Bey asigoona leh; sababtoo ah dhiiga Miran ayaa ku jiro xididada Hazar Sadoglu.

Hadalka Furat ayay u badantahay inuu reer Sadoglu u sheegayo in Miran yahay qofka dhiiga u shubay Hazar Sadoglu taasoo shaki abuuri doonto maadaama dhakhtarka uu xalqadii 21aad ugu sheegay reer Sadoglu in dhiiga Hazar ku jiro uu shubay qof qaraabadiisa katirsan marka sidee Miran qaraabadiisa ku noqon karaa?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here