Miran oo Reyyan furay iyo Reyyan oo yaaban halkaan kaga bogo dhacdooyinka Goosgooskii 1aad ee taxanaha Hercai.

0
10502

Waxaa xalay lasoo bandhigay goosgooskii 1aad ee taxanaha Hercai xalqadiisa 25aad hadaba dhacdooyinka goosgooska oo xiiso lahaa halkaan hoose kaga bogo.

-goos gooska ayaa ka bilaabanaayo Miran oo Reyyan ku leh; waxaa haray kaliya waa saxiixeyga hada ayaana saxiiixaa ee qaado” kadibna wuxuu saxiixaa warqadii furiinka asigoona usii raacinaayo “haatan wax kaloo iiga hartid majiraan”.

-Reyyan oo shoogsan ayaa Miran ku dhaheyso maxaad ka hadleysaa furiin sidee ah?

-Balse Miran ayaa isaga soo ag dhaqaaqayo Reyyan asigoona ku leh; adiga marnaba ima aaminin haatan kadibna wax war dambe ha I dhihin.

-kadib waxaa xigayo Caziza iyo Yuusuf oo is arkaayo iyo qaabka ay isku fiirinayaan oo shaki abuuri karto.

-Hazar wuxuu la murugeysanyahay xaalada uu dhexda ka galay iyo inuu gabadhiisa been u sheegay wuxuuna ka shalaynaa falka uu ku kacay.

-kadib waxaa lagu tusinaa Caziiza iyo iiliif oo la celcelinaayo xili iiliif leedahay hadalkaan uma dhihin si aan Miran u difaaco ee aniga ayaa si dhab ah Hazar u riday.

-Miran gabi ahaanba wuu isaga tagayaa deegaanka Midyaat asigoona usoo wareegaayo tuuladii hooyadiis daganeyd wuxuuna imaanayaa gurigii hooyadiis asigoona sariirteeda ku seexanaayo.

-Waxbadan Miran wuu daba cararay Reyyan balse haatan Reyyan waa waqtigee ay ka daba carari laheyd Miran waxayna diidee arinka furiinka ayadoona Miran uga daba tageyso tuuladii hooyadiisa waxaana lagu tusinaa iyadoo kuleh; “aniga waxaan ahay Reyyan Aslan Bey”.

Dhamaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here