Miran wiil hooyadiis iyo aabihiis asoo yar la dilay qalbigiisana cuqdad iyo xiqdi laga buuxiyay balse jaceylkiisa ma badbaadin doontaa?

0
3940

Waa markale iyo barnaamijkeenii aan uga hadleynay shakhsiyaadka taxanaha Hercai doorarkooda ay taxanaha ku jilayaan waxaana toogtaan soo qaadan doonaa Miran Aslan Bey.

Miran xaqiiqda marka hore waxay tahay in u dhalay Hazar Sadoglu oo magacisa rasmiga yahay Miran Sadoglu balse asiga ma oga anagana sidaas ayaan ku tabin doonaa.

Miran asigoo yar ayay dhinteen hooyadiis iyo aabihiis (Sida beenta looga dhaadhacsiiyay) waxaana lagu barbaarinaa xiqdi aargoosi iyo cadaawad qalbigiisana marnaba ma helin jaceyl iyo naxariista uu u baahnaa midna.

Miran inkastoo cadaawada intaas la eg lagu barbaariyay hadana saas oo ay tahay qalbigiisa jaceyl ayaa galaayo asigoona waliba jeclaan doono gabadha uu cadowgiisa koowaad ee Hazar Sadoglu dhalay kaasoo uu waliba aaminsanyahay inuu asiga dilay aabihiis iyo hooyadiis.

Halkaan waxaad ka fahmi kartaa sida uu jaceylka u xoogan yahay isla markaasna uusan cadow iyo saaxiib u kala aqoonin waayo Miran wuxuu jeclaaday ninka uu aaminsanyahay inuu waalidkiisa dilay gabadha uu dhalay waliba jaceyl uu dartiis qoyskiisa iyo ayaydiisaba u wajahay.

Miran waa qofka godobta ugu badan laga galay waayo hooyadiisa wey dhimatay aabihiisa waa laga qariyay tan ugu daran waxay tahay in aabihiisa cadow looga dhigay daqiiqad kastana uu doonayo inuu dilo.

Miran sidoo kale waa khabaar moog waayo ma oga in Hazar aabihiis yahay, ma oga in Reyyan uusan Hazar dhalin, ma oga in Gul walaashiis tahay ma oga in Nasuh awowgiis yahay oo ma oga in Azaadka uu ifka u necebyahay walaalkiisa yahay tan ugu daran waxay tahay ma oga in Aziiza cadowgiisa koowaad tahay.

La soco shakhsiyada Reyyan oo aan maqaalka xiga kaga hadli doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here