Atariishada halyeeyga ah ee shirkadda Bollywood Hema Malini ayaa waxay daaha ka qaaday in aysan kusoo laaban doonin shaqada jilliinka.

Hema Malini sidoo kale waxay ku lug leedahay siyaasadda. Si kastaba ha ahaatee, Hema Malini gabi ahaanba albaabka kama xiran shirkadda Bollywood, waxayna ballan qaaday inay ka fiirsan doonto haddii miiska loo soo saaro mashruucyo xiiso leh.

Iyadoo saxaafadda la hadleysay gabadha riyada Hema Malini ayaa laga soo xigtay: “Waxaan u maleynayaa inuu soo dhammaaday cutubkeygii shaqo ee dhanka jilliinka (Ka dibna waa ay qososhay). Xitaa qaar ka mid ah shaqsiyaadka ku jira Baarlamaanka India ayaa iweydiiya haddii aan markale aflaanta ka shaqeyn doono iyo haddii kale.

“Waa laga yaabaa inaan markale filim jillo, laakiin waa marka aan helo sheeko xiiso leh oo u qalanta inaan markale shaashadda kaga soo muuqdo. Ma sameyn karo filim aanan sheekadiisa iyo doorka aan ku leeyahay aanan la dhicin.

Hema ayaa ka qeyb qaadan doonta barnaamijka Synergy 2019 Festival, kaasoo gabdhaha dhallinyarada ah ee dalka India lagula boorinayo inay shaqada jilliinka ku dhiirradaan, sidoo kalena Hema waxay ka ciyaari doontaa bandhiggaas, iyadoo loo shidi doono heesihii ay qoob ka ciyaarkooda ku caan baxday.

Waxaa xusid mudan in xaflado kala duwan oo barnaamijkaan ah lagu qaban doono magaalooyinka Mumbai, New Delhi, Chennai iyo Kolkata.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here