
Prabhas marnaba ma ahan aktarka la xaqiri karo ama dhaleecayn lagu celin karo maadamaa filimkiisa Saaho oo ku guuleystay caqabado badan
sababtoo ah filimkan waxa uu la kulmay dhaliil xoogaan kaaso kaga imaanaayay dhanka iyo quburada aflaamta isagoona filimkan awood u yeeshay inuu 400 Crore kasoo xareeyo dhamaan luuqadaha lagu daawanaayay isagoona Hit dhamaystiran ka noqday luuwada af-hindiga waxaana guushaan lagu amaanaya awoodda aktarka Prabhas
ka dib guusha weyn ee filimka Saaho waxaa durba bilaabatay in lays weydiiyo su’aal ah miyuu Prabhas noqday aktarka ugu mushaarka badan dalka India
waxaana maqaal ka diyaarisay majalada Portal Online iyadoo sheegtay in filimka Saaho kala bar lacagaha uu soo xareeyay lagu helay awooda aktarkan isagoona mushaar ahaan u qaatay lacag dhan 100 Crore waana lacago waali ah kaaso hore uusan u qaadinin aktarka India ah
waaxaana midaas muujinaysaa inuu Prabhas uu yahay aktarka gadi karo ama lagu aamini karo mashruucyada ugu qaalisan aflaamta India isagoona dhawaan noqon doona aktarka ugu mushaarka badan dalka India