iyadoo aktarkan dhawaanahan waxa iska fogeeyay ku deg-degida saxiixa aflaamta maadaama isaga dhan ay meel saarayn saxaafada dalka india kuwaaso kaliya warar aan fiicnayn ka qoraayeen maadaama aktarkan awoodiisa ay dhulka gashay taaso cadayn u ah Shah Rukh Khan hit kiisa ugu dambeeyay uu sameeyo ay ugu dambeesay sanadkii 2014 weliba filimka Happy New year ku dhawaan 5 sano muusan samayn wax filim hit

laakiin hadda dhamaadka todobaadkan aya waxaa soo baxaayay warar badan oo xan ah kuwaaso sheegayaan in aktarkan uu saxiixaday dhawr aflaamood oo kala duwan waxaana ka mid Director Ali Abbas Safar filimkiisa xiga kaaso ah filim Action

Director Ali Abbas Safar waa mid looga haray samaynta aflaamta Action ah isagoo sameeyay Salman Khan filimkiisa Tiger Zinda Hai

haddaba Shah Rukh Khan ayaa markan waxa uu jabiyay aamusnaantiisa isagoo ka aamusi waayay wararka xanta ee isaga maalin walba laga qoro isagoo bartiisa Twitterka ku cadeeyay inay been yihiin wararka isaga laga qoro isagoo sidoo kale sheegay inuu isaga afkiisa ka qiran doono goorta uu filim saxiixdo

waxaana aktarkan sidoo kale uu sheegay inuu doonaaya inuu boorka iska jafo isagoo Todobaadkan gudihiisa gacanta ku dhigay  mashruuc weyn  oo qaali ah kaas haddii u sameeyo awoodiisa ay kusoo laaban doonto sidii hore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here