Home » Nolosha Jilaayaasha » Monica Dogra ” Priyanka Chopra Waa Inee Joojisaa Fanaanimada Ama Heesaha Ay Qaadeyso Gabi Ahaanba (Dagaal Hor Leh)

Monica Dogra ” Priyanka Chopra Waa Inee Joojisaa Fanaanimada Ama Heesaha Ay Qaadeyso Gabi Ahaanba (Dagaal Hor Leh)

Music yaqaanada kala ah Vishal Dadlani and Monica Dogra ayaa wareysi xasaasi ah laga qaaday xili ay saxaafada la falgaleen.

Vishal Dadlani ayaa ka dhawaajiyay mar la weydiyay xidiga ku haboon inuu iska dhaafo fanaanimada ama heesaha ay qaadaan xidigaha qaar oo ay codkooda ku qaadan.

Vishal ayaa tooshak ku qabtay atiriishada filmka Dabangg Sonakshi Sinha taaso uu yiri inee ku haboon tahay inee iska dhaafto gabi ahaanba qaadida heesaha ama fanaanimada.

Hadaba Monica Dogra oo ah gabar music-da sifiican u taqaano ayaa dhankeeda ka dhawaajisay inee iska deyso Priyanka Chopra heesaha ay qaadeyso waayo ayee tiri kuma haboona.

“Sababtoo ah Priyanka waa atiriisho heer sare ah oo fanka maqaam ka gaartay sidaa awged marka la isbarbardhigo jiliinka iyo fanaanimada waxaan dhihi lahaa fanaanimada iska daa oo diirada saar xirfadaaada jiliin.”

Monica Dogra waxay sido kale kasoo muuqatay filmka Aamir Khan hogaamiyaha ka ahaa ee Dhobi Ghat waxayna filmkaan kujishay doorka  Shai.

waxaan sugnaaba waa Sonakshi Sinha iyo Priyanka Chopra inee kasoo jawaab celiyaan arinkaan iyo inkale maadama lala taliyay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *