Mornig Update iyo Housefull4 sida uu subaxaan ku furmay.

0
1270

Akshey Kumar filimkiisa Housefull4 ayaa tiyaatarada India heysto asigoona saakay si dhexdhexaad markale ku furmay inkastoo uu sidii shalay ka roonyahay.

Housefull ayaa subaxaan ku furmay 20% ilaa 25% wuxuuna ka fiicanyahay qaabka uu shalay ku furmay maadaama uu shalay ku furmay filimkaan 17% ilaa 20%.

Dhanka kale Housefull4 wuxuu ku fiicanyahay tiyaatarada Multiplexes loo yaqaano taasoo ay usoo daawasho tagaan dadka dabaqada sare ee taajiriinta wuxuuna ubaxaan kaga furmay 35% waana arin u wanaagsan filimkaan.

Tiyaatarada Multiplexes-ka shalay wuxuu kaga furmay 25% ilaa 30% balse maanta 35% ayuu ku furmay hadii uu sidaan kusii socdo isla markaasna tiyaatarada dadka caadiga ahna hoos u dhac ka sameynin hubaal maanta oo sabti ah wuxuu keeni doonaa 19 crore ilaa 20 crore ugu yaraan.

Housefull4 hadii uu maanta iyo bari is celiyo oo uusan hoos udhac weyn sameynin waxay ka caawin doontaa inuu ganacsi heer sare sameeyo isla markaasna maalmaha Diwali ka dambeeyo ganacsi weyn sameyn doono maadaama fasax qaran jiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here