Home » Box Office » Morning Update: TOH oo noqday filimka ugu bilaabashada wanaagsan 2018 wuxuu ku furmay nidaamka waalida ah (Bumper Opening)

Morning Update: TOH oo noqday filimka ugu bilaabashada wanaagsan 2018 wuxuu ku furmay nidaamka waalida ah (Bumper Opening)

Aamir Khan iyo Amitabh Bachchan filimkooda Thugs Of Hindostan ayaa ku furmay nidaamka waalida ah ee loo yaqaan (bumper opening) wuxuuna ku furmay 65% ilaa 70% subaxdii hore xiliga Hindiya sida shabakada Boxoffice India (BOI) xaqiijisay waana filimka ugu bilaabashada wanaagsan 2018.

Filimka TOH min tuulo ilaa magaalo ayaa si waali ah looga soo dhaweeyay wuxuuna dhaafay filimka Baaghi 2 oo sanadkan subaxdii hore si waali ah ku furmay markaana TOH ayaa iskoor walbo cagaha la dul maraayo.

Madaama filimkan ku dhawaad 5000 tiyaatar la saaray sidoo kalena si waali ah uu ku furmay waxay xaqiijisay inuu noqon doono filimka ebid ugu bilaabashada wanaagsan 40 Crore ilaa 50 Crore ganacsi u dhaxeeyo ayuu sameyn doonaa maalintiisa kowaad haddii aysan musiibo ku dhicin oo uusan hoos u dhac waali ah sameyn maanta gelinka dambe iyo caawo fiidkii.

Filimka TOH wuxuu aad ugu xoogan yahay Waqooyiga Hindiya gaar ahaan Delhi/UP balse Mumbai iyo Gujarat si dhex dhexaad ah ayuu kaga furmay sababtana waxay tahay in weli feestooyinka Diwali ku dameeyaan gobolada Maharashtra iyo hareeraheeda balse maal maha xiga ayay ganacsi ahaan dadkan caawin doonaan Aamir Khan filimkiisa.

Filimka TOH wuxuu ku xoogan yahay tiyaatarada Single Screens asigoo kaga furmay 65% ilaa 70% waana arin lala yaabay waayo Aamir Khan reer magaalka ayaa jecel aflaantiisa wuxuuna ku xooganaan jirin tiyaatarada Multiplex oo magaalooyinka waa weyn ku yaalo wuxuuna subaxan TOH kaga furmay 55% ilaa 60% inta u dhaxeyso Multiplex waana arin walaac ma muujineyso ma reer magaalka ayaan filimkan ka helin mise wax kale ayaa jiro waxaa la ogaan doonaa maalinta gelinka dambe.

Ugu dambeyntii sidii laga filaayay ayuu TOH sameeyay madaama si waali ah uu ku furmay waxayna noqon doontaa maanta inta ka harsan talaabo walbo uu filimkan qaado in la eego halka uu hiigsanayo waa la hubaa iskoor bilaabasho ah inuu la imaanayo balse halka uu sal dhigin doono ayaa muhiim ah.

Fadlan kala soco shabakada Filimside sidoo kalena Rukumo si qoraal walbo aan soo dirno Notification ahaan kuugu soo dhaco oo ku saabsan filimka TOH.

Mahad sanidiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *