Inaba caadi ma ahan Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff mashruucooda WAR siduu gudaha India kaga furmay subaxan xiliga India waana nidaamka loo yaqaan Bumper Opening.

Sida hader wararka sheegayaan mashruuca WAR waxuu ku furmay 85% subaxii hore xiliga India waana bilaawasho waali ah waliba TOH ayuu ka bilaawasho wanaagsan yahay marka lala bar bardhigo balse TOH ayaa tiyaataro badnaa.

Sida uu ku furmay marka laga qiyaas qaato waxay ka dhigantahay inuu maanta ka talaabsan doono 40 Crore hubaal ahaan inkastoo xili hore tahay oo aan lagu dag dagi karin sababto ah WAR maanta wax walbo ka filo.

Duhurkii ilaa fiidkii heerka uu gaaro ayaa laga qiyaas qaadan doonaa hadii WAR jabin doono iskoorka Thugs of Hindostan ee dhanka lacagaha maalinta kowaad sido kale qubarada ayaa sheegen ilaa 45 Crore inuu gaarayo maanta.

Xitaa waa macquul inuu 50 Crore gaaro aan sugno duhurkii ilaa caawa heerka uu gaaro walow ay u badantahay maanta taariilh lama ilaawan ah inuu dhigo doono dad qaar meel ay ka daawadaan ayee la’yihiin tiyaataradii ayaa buuxsameen banaanka ayee tikit-kooda la fadhiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here