Home » Nolosha Jilaayaasha » Mouni Roy oo joojisay sameynta musal salka caanka ah Naagin si ay Bollywood-ka xoog u saarto

Mouni Roy oo joojisay sameynta musal salka caanka ah Naagin si ay Bollywood-ka xoog u saarto

Atirishada Mouni Roy waxay magac iyo maamuus ku yeelatay sameynta musal salada aadna waa looga jecel yahay dhanka TV-yada balse haatan Bollywood-ka ayay soo gashay.

Warbixin cusub ayaa lagu sheegay Mouni Roy inay joojisay sameynta musal salka hirgalay Naagin si ay diirada u saarto filimada Bollywood-ka oo ay saxiixatay.

Mouni Roy hada waxaa u diyaarsan filimka Gold oo ay Akshay Kumar lasoo wado lana daawan doono 15 Aug 2018 sidoo kalena dhawaan waxay u amba bixi doontaa dalka Bulgaria si Ranbir Kapoor iyo Alia Bhatt ay ula sameyso filimka Brahmastra oo la daawan doono 15 Aug 2019.

Gabadha lagu magacaabo Surbhi Jyoti oo caan ku ah musal salka Koi Laut Ke Aaya Hai ayaa la sheegay in Mouni Roy lagu badalay si ay musal salka Naagin usii amba qaado.

Haatana waxaa la xaqiijiyay in musal salka Naagin hogaamiye looga dhigay Surbhi Jyoti  iyo Anita Hassanandani sida Ekta Kapoor oo soo saare ka ah taxanahan cadeesay.

Mouni Roy oo ka xun ka bixista Naagin waxay tiri “Waxay ahayd go’aan adag inaan sameynta Naagin joojiyo waayo waa taxane qalbigeyga aad ugu dhow, waan u xiisi doonaa dhamaan kooxda Show-gaan oo ay ugu horeyso Ekta Kapoor”

“Waxaan doonayaa filimada inaan fursad siiyo oo aan nasiibkeyga ku tijaabiyo Bollywood-ka waxaana saxiixday mashaariic kala duwan oo aan aamin sanahay inaan magac ku heli karo”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *